4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2016
UNHCR oo sheegtay in tirada Qoxootiga Dunida ay Gaartay Heerkii ugu Sarreeyay Taariikhda

Isniin, Juun 20, 2016 (HOL) — Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR ayaa sheegaysa in tirada dadka ku barakacay colaadda caalamka ka oogan ay gaareen heerkii ugu Sarreysay inta la ogyahay Taariikhda Caalamka.

Warbixinta sannadlaha ah ee Hay'adda UNHCR ay ku eegto tirada dadka colaadaha ku barakacay ayaa lagu sheegay in dhamaadkii Sannadkii hore ee 2015-kii, 65.3 Milyan oo ruux ay barakeceen Caalamka oo dhan, taasoo ka dhigan in 113-kii qof ee caalamka ku nool mid ka mid ah uu yahay qaxooti, magan-gelyo-doon ama qof ku barakacay gudaha Waddankiisa.

Sidoo kale, Colaadaha iyo Gabood-fallada sii kordhaya ayaa sanadkii hore dad badan ku khasbay inay ka qaxaan Guryahooda, Taasoo sababtay in ay tirada qaxotiga addunka ee ay soo bandhigtay hay'adda Qaramada Midoobay ay koor uu dhafto 65 milyan oo qof.

Tirada Qoxootiga Caalamka ee ay baahisay Hay'ada UNHCR ayaa noqoneysa mid Shan milyan oo qof ka badan marka loo eego tiradii hay'adu ay shaaciso sanadkii hore, iyadoo waliba markii ugu Horeysay caalamka qaxotiga jooga uu koor u dhaafay 60 milyan oo qof.

Kala bar Dadka Qoxootiga ah ayaa waxay kasoo qaxeen Dalalka Suuriya, Afghanistaan iyo Somalia, ayaa lagu yiri Warbixinta Hay'adda Qoxootiga Adduunka.

Dhanka kale, Wadanka Jarmalka ayaa ah waddanka qaabilay qaxootiga ugu badan ee adunka, waxaana QM ay sheegatay in taasi ay Tarjumayso sida Jarmalku uu diyaar ugu yahay in uu aqbalo qoxootiga ka gudbaya badda Mediterranean-ka.

Ugu dambeyntii, 86% Qoxootiga Adduunka, ayaa waxay ku nool yihiin dalal uu Dhaqaalahooda Liito, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay in dowladahu ay tahay in ay mujiyaan isku duubnaan si loo wajaaho qulqulka muhajiriinta ee soo badanaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya