4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2016
DONALD TRUMP: Mareykanka waa in Arrimaha Dadka Qaarkood uu si Gooni ah isaga eego


Isniin, Juun 20, 2016 (HOL) — Musharaxa ugu cad-cad Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in la joogo xilligii dalkaasi Mareykanka uu si dhab ah uga fikiri lahaa Adeegsiga qaab dad gaar ah lagu bartilmaameedsanayo si loola dagaalamo dambiyada dalkaasi ka dhacaya.

Trump ayaa hadalkan ka jeediyay teleefishinka CBS kaddib markii la weydiyay in uu Taageerayo iyo in kale, in si aad ah isha loogu hayo Dadyowga Muslimiinta ah ee Dalkaasi, marka la eego Weerarkii usbuucii hore ka dhacay magaalada Orlando ee dadka badan lagu laayay.

Waxa uu sheegay in Waddamada kale ee marka ay dambiyada la tacaalayaan dad gaar ah isha ku haya, iyagoo eegaya Midabkooda, Diintooda, dhalashadooda iyo xitaa isir ahaan ay ogaan karaan Qofka laga yaabo in uu fal dambiyeed gaysto.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Waddanka Mareykanka Loretta Lynch ayaa ka digtay in xeeladaha noocaas ah ay Suuro-gal tahay inay Cawaaqib-xumo ka dhalato, iyaga oo keeni karo in la takooro Muslimiinta.

XIGASHO: BBC