4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2016
Qaxooti Yemeniyiin ah oo Ku Xanniban Djibouti

Isniin, Juun 20, 2016 (HOL)-Dagaalka Yemen ayaa waxaa kasoo qaxay Yemeniyiin badan kuwaasoo usoo cararay dhanka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Yemen iyo Djibouti waxaa un u dhexeeya 30 km oo bad ah gaar ahaan dhanka Bab-el-Mandeb.

Qaxootiga Yemeniyiinta ah ee Jabuuti kunool ayaa waxay in badan oo ka mid ah kunool yihiin xero qaxooti oo ku taala bannaanka magaalada Obock.

Agabka yaal xeradaa waa mid aan horumarsanayn. Si kastaba ha ahaatee waxaa xeradaa kuyaala iskool. Halkaas ayaa carruurta iyo dadka waaweyn intaba ay wax ku bartaan.

Halkaas ayaa waxaa qaxootiga Yemeniyiinta ahi ku nool yihiin teendhooyin maadaama guryo rasmi ah aysan ka dhisnayn.

Waxaa halkaa awal kunoolaa 3,000 oo Yemeniyiin ah balse qaar ayaa dhawaan u noqday Yemen. Haatan ayaa waxaa halkaa kunool ilaa 2000 oo qof oo qaxooti Yemeniyiin ah.

Si kastaba ha ahaatee waxay jeclaan lahaayeen inta soo hartayna inay u laabtaan dalkoodii Yemen oo ay tebayaan. Balse, weli dhibtii dagaalka lama hubo inuu kol dhow istaagi doono gebi ahaan iyo in kale marka waxay ku qasban yihiin inay xeradaa qaxootiga kusii jiraan ilaa colaada Yemen ay joogsanayso.

Yemen ayaa waxay dhexda u gashay colaad u dhexeysa Iran iyo Sacuudiga; Iran ayaan caawisa fallaagada Xuutiyiinta halka Sacuudiguna caawiyo dawlada Yemen.

Sacuudiga iyo isbahaysi ama xulufo dalal la ah ayaa aad u duqeeyay Yemen duqeyntaas oo shacab badan oo Yemeniyiin ah wax yeelo gaarsiiyay qaxootiga Yemeniyiinta ah ee Jabuuti iyo Soomaaliyana ay kasoo qaxeen.

Haatan ayaa in badan oo qaxootigaa Yemeniyiinta ahi ay murugo qabaan cawimaada ay helaana marmar waxay noqotaa mid gabaabsi ah maadaama qaxootiyo badan oo kasii dhib badan ay kusii jeedo asxaabta gargaarka ee caalamka sida qaxootiga Suuriya iyo Ciraaq ee kusii qulqulaya Yurub.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Onlime
[email protected]