4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2016
Soomaali ka Qayb-gashay Orod Heer Caalami oo lagu qabtay Magaalada Tromsø ee dalka Norway

Isniin, Juun 20, 2016 (HOL) — Tartanka Ciyaaraha Orodka ee loo yaqaanno Midnight Sun Marathon oo ay Sanad kasta marti-geliso Magaalada Tromsø oo ku taalla woqooyiga dalkan Norway ayaa waxaa sanadkaan furay Boqorka Boqortooyada Norway Harald oo ay wehliso Boqoradda Mrs.Sonja waxaana Goob-joog ka ahaa Munaasabada furitaanka ciyaarahan Duqa Magaalada Tromsø - Jarle, Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka iyo dadweyne aad ufara badan.

Tartanka oo ka bilowday Xarunta fagaaraha weyn ee magaalada ayaa waxa ka qeybgalayay 74 dal oo ku yaalla Koofurta Ameerika, Yurub, Aasiya, Australia iyo Afrika oo ay Soomaaliya Qayb ka tahay, waxaana la ordayay fogaan dhan 21-km.

Cabdi Macallin Maxamuud oo ah Muwaaddin Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Tromsø ee Dalka Norwey waxa uuna ka qeybgalay Tartanka Ciyaaraha Orodka Midnight Sun marathon isagoo ordayay 10Km muddo 45Daqiiqo ah.

Sidoo kale, Cabdi, ayaa Sheegay inuu aad ugu Faraxsan yahay in sanadkaan uu markii ugu horreysay ciyaar nuucaan oo kale ah uga Qaybgalo dalka Norway waxa uunaqabanqaabiyeyaasha ciyaartaan uga mahadceliyey biladda iyo Abaal-marinta ay Guddoonsiiyeen. Wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay gashay kaalinta Toddobaad ee Tartanka, Waxaana kaalinta ugu horreeya ee tartanka ku guuleysatay haweeney u tartameysay dalka Kenya.

Saalax Xasan Axmed oo isagana ku nool Magaalada Baardufoss ee Dalka Norwey ayaa ka Qayb-galay tartankaas isagoo tilmaamay  in ay muujiyeen doorkooda ah inay Somalia ay ka dhexmuuqato tartanka ceynkaan ah ee lagu qabanayo waddamada caalamka.

Ugu dambeyn, Tartankaan Caalamiga ah - ayaa la qabtaa Sanad kasta bisha Juun, waxaana lagu qabtaa magaalada Tromsø oo Xilligaan Xagaaga ah aysan marnaba cadceeddu ka dhicin habeen barkii, waana magaalo aad u qurux badan oo ay ku xeeran yihiin buuro,Webiyo, Jasiirado & dhuumo ay isticmaalaan Gaadiidka waxayna Magaaladaani tahay tan ugu weyn Woqooyiga Waddanka Norway oo Marti-gelisa Dal-xiisayaal fara badan oo ka kala yimid daafaha Dunida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya