4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
WASIIRKA AMNIGA: Madaxweynaha TURKIGA Wuu imaanayaa Waanan u Diyaar-garownay


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay inuu Madaxweynaha Turkiga Maalinta Berri ah uu Muqdisho ku imaan doono booqasho rasmi ah, isagoo xusay inay u diyaar-garoobeen soo dhaweyntiisa.

C/risaaq Cumar oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in Dowladda Somalia - ay si aad ugu diyaar-garowday imaashaha Madaxweynaha Turkiga, Recap Tayyip Erdogan, uusana dhici doonin mid la mid ah Weerarkii shalay dhacay.

“Madaxweynaha Dalka Turkiga, wuu imaanayaa, waanan u diyaar-garownay inaanu kusoo dhaweyno Muqdisho, mana dhacayo Weerarkii Shalay dhacay oo kale,” ayuu yiri Wasiirka Amnigu Gudaha Xukuumadda Fedeeraalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay weerarkii shalay ka lala beegsaday Hotel Ambassador ee Muqdisho, isagoo xusa in la dilay afar qof oo ahaa kooxihii Weerarkaas ka dambeeyay, ayna bad-baadiyeen in ka badan 50-ruux oo ahaa dadkii hoteelka deggenaa.

Madaxweynaha Turkiga, Recap Tayyip Erdogan - ayaa booqashadan uu Berri ku imaanayo Muqdisho waxay noqonaysaa tii sadexaad oo uu Somalia booqasho noocan ah ku yimaado, isagoo horay u soo booqday Dalka Sanadkii 2011-kii, xilligaasoo uu ahaa RW-ha Turkiga, isagoo booqashadii labaad oo ayuu ku yimid Muqdisho Sanadkii hore ee 2015-ka isagoo ah Madaxweynaha Turkiga.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Turkiga ayaa waxay Soomaaliya ka Fulisaa Mashaariic kala duwan oo ay ka yihiin; Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dib-u-dhiska, waxayna sidoo kale taageero lacageed oo toos ah siisaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya