4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
Muxuu ka Dhigan yahay Weerarkii lagu Qaaday Hotel Ambassador - Muqdisho? [FAALLO]


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Dabcan ma ahan Wax ku Cusub Shacabka Muqdisho ku nool Weerarrada noocaan oo kale ah oo inta badan Al-shabaab ay la beegsadaan Xarumaha ama goobaha shacabka ee ka dadban maamulka Dowladda Somalia, Balse Weerarkii Hotel Ambassador, waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa cashar kale oo laamaha amniga muhiim tahay in ay ka bartaan xeeladaha inta badan ay adeegsadaan  dagaalyahannada Al-shabaab.

Dadaalku ma yara - oo waxaad arkeysa laamaha ammniga oo mar walba warbaahinta u soo bandhigaya hub iyo Gaadiid walxaha Qaraxa lagu soo raray oo lagu qabtay caasimadda iyo mar marka qaar dhalinyarro wajiyada laga soo xirro dabadeedna lagu sheego in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, balse talaabooyinkaa oo idil uma muuqdaan kuwo baajinaya weerarada qorsheysan ee ka dhaca caasimada.

Sida weerarka loo qorsheeyay iyo waqtiga dheer ee ciidammada dowladda ay ku qaadatay in ay gudaha u gallan hotelka, waxaa ay kuu muujineysaa khatarta Ammaan ee kooxda oo marar badan oo hore dowladda ku cel celisay in laga takhlusay.

Hay'adda Sirdoonka Dowladda Soomaaliya, ayaa inta badan lagu dhaliilaa in aysan laheyn khibrad ilaa xad gaarsiisan in laga sii war helo bartilmaameedka kooxda, taa badalkeedana marka uu dhaco weerarka kadib ayeey saraakiisha hay'addaha ammaanka dadka uga digaan weeraro kale oo laga yaabo in lagu qaado xarumo muhiim ah iyo goobaha dadku ku badan yihiin, taasoo muujineysa quusta iyo rajo beelka ka taagan sugida ammniga caasimada.

Shacabka, ayaa mar walba noqda kuwa saameynta ugu badan ay ka soo gaarto Weerarrada noocan oo kale ah oo lagu soo beego waqtigyada ay ugu mashquulka badan yihiin goobaha la bartilmaameesanayo.

Weerarkii xalay oo kusoo beegmay xili xasaasi ah oo leysku diyaarinayo doorashada 2016-ka iyo Isbeddelka Dowladnimo, ayaa Dhinaca kale Dibadda uu soo saaray eedeymo Marar badan loo jeediyay Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheekh Maxamuud - oo lagu Tilmaamay mid inta badan Waqtigeeda ku dhameysatay deggenaan la'aan siyaasadeed iyo is qab-qabsi ka Dhex-jira Hay'adaha Dowladda ah, halkii loo bahaan in ay xooga saarto wax ka qabashada amaanka oo safka hore ka ahaa balanqaadyadii madaxweynaha.

Hotelka AMBASSADOR  oo ka mid ah hotelada ugu casrisan caasimada saldhigna u ahaa Mas'uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Somalia ayaa Weerarka lagu qaaday sidoo kale waxaa uu dibada u soo saarayaa shaki in badan laga qabay in ay jiraan shabakado isku xiran oo Al-shabaab kala shaqeeya u Fududeynta Weerarrada - Madaama ay Adag tahay in Saddex ilaa afar ruux oo hubeysan iskood gudaha ugu gallaan hotel siddaa oo kale muhiim u ah amaankiisana la ilaaliyo.

Taliyaha Sirdoonka Somalia, Jen C/raxmaan Tuur-yare ayaa sheegay in ku dhawaad Sagaal saacadood oo xiriir ah ciidammada qalabka sida la dagaallamayeen xoogagga weerarka soo qaaday. halka wasiirka warfaafinta Max'ed Cabdi Xayir Maareeye isna dhiciisa uu sheegay in muddo saddex bilood guhadeed ah ciidammada dowladda fashiliyeen sidda uu hadalka u dhigay ilaa 14 qarax.

Madaxda Dowladda Somalia, ayaa marar badan oo hore faray milkiilayaasha hotelada inay ka fekeraan Ammaanka iyo Nabad-galyada dadka ay marti-galinayaan, taasoo macnaheedu noqonaya in dowladda aysan awood badan u laheyn sugidda amniga Hoteelada oo hoy u ah qaar badan oo ka mid ah mas'uuliyiinta labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay'adda Nabad-sugida Qaranka, ayaa mar sii horeysay iska wareejisay Amniga caasimada Muqdisho oo si toos ah loo hoos geeyay maamulka gobolka Banaadir oo ilaa iyo hadda aan si faah faahsan uga hadal sidda ay wax uga dhaceen hotelka.

Ugu dambeyn, Amniga caasimada Muqdisho ayaa u muuqda mid aan wali fari ka noqdeyn, waxaana ay dadku wadanaha farta uga hayaan weeraro kale oo qorsheysan oo ka dhici kara magaalada xili ay food nagu soo heyso bisha barakaceysan ee Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya