4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
Wasiirro Maanta Booqasho ku tagay Ambassador Hotel - Kana Warbixiyay Weerarka (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Iyadoo Weerarkii lagu Qaaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho uu qaatay waqti badan, khasaare badana uu geystay ayaa waxaa maanta booqday Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia oo ay ka mid ahaayeen; wasiirada amniga iyo Warfaafinta, Taliyaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Jen. C/raxmaan Tuuryare - ayaa sheegay in ciidanka NISA ay Toogteen sadexdii qof ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay Ciidanku u diyaarsan yihiin inay ka hor-tagaan qorshayaasha Al-shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay inay badbaadiyeen illaa 50-ruux oo ka mid ahaa dadkii hoteelka degenaa ayna kooxihii weerarka soo qaaday dilkeen afar qof oo hoteelka degenaa oo ay ka mid ahaayeen; laba Xildhibaan.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo isna kula hadlay Warbaahinta gudaha hoteelka kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay yareeyeen khasaaraha maadaama ay toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo la-dagaalanka cadowga umuadda Soomaaliyeed oo mar walba ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Khasaarihii ka dhashay Weerarkan ayaa Wuxuu hadda marayaa in ka badan 18-qof, iyadoo dhaawacyaduna ay gaarayaan in ka badan 50-ruux, iyadoo Burbur xooggan uu soo gaaray hoteelka iyo dhismayaasha ku dhaw oo dhan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa