4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
Xildhibaannadii lagu Dilay Weerarkii Al-shabaab ee Hoteel Ambassador oo Muqdisho lagu Aasay


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Maanta Waxaa AAS Qaran loogu Sameeyay Muqdisho, Laba Xildhibaan oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Weerarkii Hoteelka Ambassador ay ku qaadday Al-shabaab, Waxaana Salaaddii Janaasada uu ka qayb-galay Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaannada Aaska loo sameeyay maanta ayaa waxay kala ahaayeen; Marxuum C/llaahi Jaamac Xuseen [Kaba-weyne] iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guure, kuwaasoo lagu dilay qol ay kuwada jireen xilligii uu weerarku socday.

Salaaddii Jannaasada xildhibaanadan, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka Somalia, Xubno ka tirsan Maamul-goboleedyada, Mas’uuliyiin iyo Dadweyne.

Waxaa Marxuumiitaan lagu Aasay Qubuuraha Booliiska ee Muqdisho, Waxaana ka Qayb-galay Aaskooda, xildhibaanno ka tirsan Dowladda Somalia, ehelladii iyo weliba qaraabadii Marxuumiinta iyo Mas’uuliyiin kale.

Ugu dambeyn, Ma ahan markii uGu Gorreysay oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka FS lagu Dilo Weerarro ay Al-shabaab la beegsatay Qaadday Hoteellada Muqdisho Qaarkood, Waxaase horay xildhibaanno loogu dilay weerarro noocan oo kale ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya