4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
SAWIRO: Qurba-joog Qalab Gaarsiisay Degmada Xuddun ee Gobolka Sool iyo Dad Sumoobay


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Degmada Xuddun oo degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Waqooyiga kaga beegan 83-KM, ayaa waxaa Qalab kala duwan Gadhsiisay Sucaad C/llaahi Galow oo ka mid ah Qurbo-joogta kasoo jeeda Degmadaas.

Sucaad, ayaa agab Isborti ku wareejisay kooxaha ka jira degmada Xuddun, kuwaasoo isugu jiray Dharka cayaartoydu xirtaan, kubbado iyo agab kale oo badan, kuwaasoo ay ugu Talo-gashay inay sida ay sheegtay kor loogu qaadi lahaa cayaaraha, gaar isboortiga, si loo dhimo tahriibta dhallinyarada oo si weyn u aafeeyay degmadaas.

Waxaa kaloo Sucaad safarkeeda ku wehelisay haweeney u dhalatay Dalka Swedan oo lagu Magcaabo, Dr. Hana, Waxayna sidoo kale Bahda Caafimaadka Degmadaas ay Gaarsiiyeen agab caafimaad oo kala duwan.

Xafladda Agabkan lagu wareejinayay oo  ay ka hadashay Sucaad C/llaahi ayay ka sheegtay in ay si aad ah isugu Hawshay Sannadihii ugu Dambeeyey Sidii ay Wax ugu Qaban lahayd Dadkeeda.

"Waxaa muhiim noo ah inaan isku xil-qaanno sidii aan wax ugu soo kordhinno dhulkeenna wax-qabad, haddii Qof walba uu meesha uu joogo iska Xil-qaamana waxaa la gaari doonaa in Wax-qabad ballaaran la muujiyo," ayay tiri Sucaad oo Hadalkeeda raacisay Mahad-celin ay u jeedisey Dr. Hana iyo dadkii kala shaqeeyey Waxqabadkaan.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah Waxgaradka Degmada Xudun ayaa Sucaad uga mahad-celiyay Daddaalka ay ku doonayso inay wax ka qabato baahiyaha dhulkeeda ka jira. Waxay kaloo Sucaad Jaamacadda Nugaal ee Laascaanood soo gaadhsiisay qalab iyo bugaag kala duwan oo loogu talo-galay kuliyadda caafimaadka iyo kuliyadaha kale.

Dhinaca kale, Hal qof ayaa ku dhintay Degmada Xuddun, halka Ruux kalena uu aad u liito, kaddib markii ay cuneen qare la sumeeyey. Waxaana Maxamed Jaamac oo ka mid ah Wax-gardka Degmadas uu HOL u Sheegay in Qaraha Sumaysan loo dhigay Bahalo Beeraleyda dhibay, kadibna ay beerta soo galeen labadan wiil oo Walaalo ah kuwaasoo cunay Qarihii sumaysnaa.

Ugu dambeyn,  Wiilashan oo dadooda la sheegay inay ahayd; 14-jir iyo 17-jir, ayaa waxaa goobtii ku dhintay wiilkii yaraa, Halka Midkii kalena loo la Cararay Isbitaalka Garoowe si loo badbaadiyo, iyadoo la sheegay inuu rajo leeyahay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool