4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
MADEIRA: Weerarkii Ambassador hotel ma hor-joogsan karo Horumarrada ka socda Soomaaliya


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Ergeyga Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira ayaa Cambeereeyay Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Ambassador kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15-qof oo ay ku jireen xildhibaano ka tirsan Baarlmaaanka Federaalka Somalia.

Danjiraha, ayaa xusay in weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda, Siyaasiyiinta iyo Dadka Rayidka ah inay muujinayaan sida Al-shabaab aan Wax qiimo ah aanay ugu Fadhin nafta bani’aadamka, isla markaana falalkan ay sameeyeen uu yahay mid Waxashnimo ah.

“Ummadda Soomaaliyeed waxay dooratay Waddada Nabadda si u helaan xasillooni waarta iyo barwaaqo, falkana ma hor-joogsanayo in horay loo socod,” ayuu Madeira hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa AMISOM ayaa wuxuu tacsi u diray qoysaskii, asxaabtkii iyo ehelkii dadkii ku geeriyooday weerarkii Hotel Ambassador isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad dhaqso ah.

Ugu dambeyntii, Danjire Francisco Madeira, Wuxuu hoosta ka xariiqay in AMISOM ay ka Go’an tahay inay si  dhaw ula Shaqeyso Dowladda Federaalka, shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, si Amniga Somalia loo xaqiijiyo.

Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii shalay dhacay ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo weerarkan lasoo Afjaray saakay, Wuxuuna ka mid ahaa Weerarradii ugu Xoogganaa ee ay Al-Shabaab ka geysato Magaalada Muqdisho.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya