4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
GAROOWE: Kulan looga Hadlay Sidii Haweenku ay uga Qayb-geli lahaayeen Siyaasadda Somalia


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Shirkan oo ka dhacay hoolka Shirarka Jaamacada PSU ee Magaalada Garoowe, ayaa looga Hadlay Kaalinta ay Dhallinyarada iyo Haweenka ku leeyihiin ka qayb-galka siyaasadda Soomaaliya.

Kulankan oo ay soo Abaabuleen dhaqdhaqaaqa u Dooda Haweenka doonaya inay ka qayb-galaan Siyaasadda dalka ee Tala-wadaag, waxaana kasoo qayb-galay wasiirka haweenka Puntland, Xafiiska QM Somalia UNSOM, xubno ka socday hay'adda UNDP iyo Marti-sharaf kale.

Intii uu kulankan socday waxaa lagu gor-feeyay muhiimadda ay leedahay in Haweenka iyo Dhalinyaradu ay ka dhax-muqan lahaayeen Siyaasadda uu dalku wajahayo.

Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland, Aniso Xaaji Muumin, ayaa ku dhiirri-gelisay Haweenka Soomaaliyeed inay muujiyaan dhabar-adeyg si loo gaaro hamiga fog ee ay higsanayaan.

Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa Talo-waadag, Dr. Idil Maxamuud Jaamac ayaa sheegtay in Qaadeen Dhaqdhaqaaqyo iyo talaaboyin ay ku doonayaan in lagu ururiyo Aragtida dhallin-yarada iyo Haweenka Soomaaliyeed oo ay muujisay in Guulo laga gaaray.

Sidoo kale, Idil waxay xustay in dadaal ay ugu jiraan in Haweenku ay helaan qoondada ay ku leeyihiin xildhibaanada lasoo xulayo inta aan la gaarin Bisha Ogoosto ee Sannadkaan.

Ugu dambeyn, Ranjana Thapa oo ah u qaabilsanaha Arrimaha Xuquuqul Insaanka Xafiiska UNSOM ee Puntland , ayaa u sheegtay in ka qayb-galka Siyaasadda Haweenka ay Qayb ka tahay in dalka Horumar Wanaagsan u gaaro.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
Email:
[email protected]
Garowe, Puntland, Soomaaliya