4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Qiray in Raashin Gargaar loogu Tala-galay la boobay


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Hiiraan Max'ed Ibraahim oo la hadlay Idaacada Goobjoog FM, ayaa qiray in dad shacab ah boobeen sidda uu hadalka u dhigay raashin loogu tala-galay in loo qeybiyo qoysaska ku barakacay fatahaadii Beledweyne.

Waxaa uu sheegay in kumanaan ruux oo ka tiro badan dadkii loogu talagalay in gargaarka la gaarsiiyo isugu soo baxeen goobta raashinka lagu qeybinayay, taasoo keentay in markii danbe dadka ku qamaamaan halkaana lagu boobo gargaarka.

''Ciidammada waa ay dadaaleen waana isku dayeen in ay dadka xakameeyaan, laakiin waa iska garan kartaa dad baahan oo kumanaan ah qof walbana uu doonayo in uu raashinkaa wax ka helo ilaa inta lala tacaali karo' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa uu intaa ku darray in dadkii jilicsanaa ee gargaarka loo baahnaa in la siiyo ay ka tiro bateen dad kale rag u badnaa oo goobta isugu yimid oo soo jiiray haweenka, caruurta iyo dadkii waayeelka ahaa ee goobta joogay.

Laakiin waxaa uu meesha ka saaray in ay jirto cid ay arintaa wax yeello ka soo gaartay, isaga oo sheegay in ciidammada ay kor u rideen rasaas ay dadka ku kala eryayeen.

Gargaarka la boobay ayaa ka yimid sidda uu sheegay safiirka Jabuuti marwada madaxweynaha dalka Jabuuti Khadra Max'uud Xeyd.

Inta badan Soomaaliya marka gargaar la qeybinayo waxaa iska caado ah in dadku ku dhaqaaqaan boob iyo dhac madaama ay adag tahay in gaargaarka la wadda gaarsiiyo dadka soo xaadira goobta lagu qeybinayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya