4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
WASIIR HADLIYE: Ma jiro Heshiis lagu Celinayo Soomaalida ku Nool NORWAY oo aan Saxiixay


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar ayaa wax kama-jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in heshiis lagu celinayo qaxooti Soomaaliyeed uu kula saxiixday magaalada Oslo ee dalka Norway oo dhawaan uu shir uga qayb-galay.

C/salaam Hadliye Cumar, ayaa sheegay in socdaaliisa Norway uu ku saabsanaa oo kaliya ka qeybgalka shir halkaasi uga furmay masuuliyiinta in ka badan 12 dalka.

Waxa uu sheegay in shirarka uu la yeeshay Masuuliyiinta Norway ay la xiriirtay oo kaliya xoojinta xiriirka labda dalka balse eysan jirin wax wadahal ah oo la xiriirta dib ucelinta Kumanaan soomaalida ee qaxootiga ku ah dalkaasi Norway.

Sidoo kale isla Oslo oo ah Xarunta dalka Norway waxaa isna gaaray taliyahya hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya waxaa jira warar sheegaya in General Gaafoow uu isna qeyb ka yahay dadaalada lagu doonayo in lagu soo celiyo soomalaida qaxootiga ku ah dalkaasi Norway.

Wasiir hadliye ayaa dhinaca kale meesha ka saaray iney iska warqabeen safarka Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Dowladda Norway oo Bartamihii bishii ina dhaaftay ee May ka hadashay qorshaha dib ucelinta qaxootiga soomaalida ee dalkaasi kusugan ayey ku sheegtay in gudi ay usaartay qiimeynta xaaladaha dhinaca Amaanka ee Soomaaliya Gudigaas oo warbixintoodi uhoreysay Gudbiyay waxey ku sheegeen Ammaanka Somalia soomaaliya haatan uu umuuqdo mid la isku haleyn karo.

Hiiraan Online, News Desk