4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2016
Xukuumadda Somalia oo sheegtay in la soo Af-jaray Weerarkii lagu Qaaday Hoteel Ambassador


Khamiis, Juun 02, 2016 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegay inay soo af-jareen weerarkii Hotel Ambassador oo ay shalay weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaana weerarkaa ku dhintay 15-qof oo ay ku jiraan xildhibaan oo baarlamanka Somalia, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 50-qof oo kale.

Tan iyo xalay waxaa hoteelkaas ka dhacayay rasaas goos-goos ah, iyadoo haatan ay gudaha hoteelkaas oo dhan ku sugan yihiin ciidamada dowladda, laakiinse weli kama aysan hadlin Dowladda Somalia inta uu le’eg yaha khasaaraha inta uu le’eg yahay.

Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Warfaafinta Somalia iyo Taliyaha Nabad-sugidda DF Somalia ayaa Goor-dhaw gaaray Hotel Ambassador si ay Qiimeyn ugu sameeyaan Wixii khasaare ah ee ka dhashay weerarka.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaan, waxayna kusoo beegeen iyadoo shalay ay Dowladda Somalia sheegtay inay dileen Sheekh Maxamed Dulyadeyn oo ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Sare ee Al-shabaab.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya