4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2016
MADAXWEYNE XASAN: Siyaasadda DF waa mid Dhiirri-gelinaysa Ganacsiga Furan (SAWIRRO)

Axad, Juun 19, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud - ayaa maanta Xariga ka jarey Terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ah ee Xamar kaasoo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda.

Terminalkaan Cusub oo ah Nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla Meel ka yara baxsan Dekedda ayaa loo Adeegsan doonaa in la dhigo Dhammaan Konteenarrada laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho, halkaasna lagu marsiin doono nidaamka dejinta ee isugu jirta baarista, sugidda iyo canshuuraha badeecadaha kala duwan.

Sidoo kale, Terminalkaan Cusub wuxuu qaadi doona culeyska Dekedda Muqdisho, iyadoo la filayo in sidoo kale ay fududaan doonto muddada dejinta badeecadaha.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud - ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay waxaa uu u mahad celiyay Shirkadda SIMATECH International oo iyadu Maal-gelisay Hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

“Siyaasadda Dowladda Federaalka ee Dhinaca Dhaqaalaha waa mid xoojinaysa Ganacsiga Gaarka ah. Mashruucaan ay shirkadda Simatech ka fulisay Muqdisho waxaanu daliil cad u yahay in aan diyaar u nahay Maal-gashi Dhaqaalaheenna lagu kobcinayo. Waxaa Qorshaha inoogu jira inaan sameysano Xarumo kale oo Dekedaha Noocaan loo yaqaanno “Dry Port’’ si aan ula Jaan-qaadno kobaca ganacsiga iyo dhaqaalaha dalkeena," ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu shaaca ka qaaday inuu jiro Qorshe lagu ballaarinayo Dekedda Muqdisho iyo dekedaha kale ee muhiimka ee dalka ku yaalla.

Ugu dambeyn, Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan labada gole ayaa, waxaana ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda SIMATECH International, Mohamed Reza Maghami.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya