4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2016
SAWIRO: Buug ka hadlaya dhibaatada Qoxootiga Somalida ee South Africa oo lasoo Bandhigay

Axad, Juun 19, 2016 (HOL) — Buuggaan oo loogu magacaabo dhageysashada codadka oo laga Diyaariyay Soomaali u badan Haween oo ku nool Koonfur Afrika ayna soo diyaarisay Hay'adda Action Support Center oo Kaashaneysa Somali Community Board - ayaa Waxaa lagu soo bandhigay hoolka shirarka hotelka Nura ee magaalada Johannesburg.

Bandhiga buugaan oo ay kasoo qeybgaleen gudoomiyaha xaafadda Somaalida ee Mayfair, Mas'uul ka socday Waaxda bixinta sharciyda (Home Affairs), Hay'adda JRS, Haweeney ka tirsan Ururka Haweenka Koonfur Afrika, qaar ka mid ah jaaliyaddaha la nool Soomaalida, mas'uuliyiin ka socday Hay'adda Action Support Center iyo Hogaanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa waxaa hadalo lagu dhiirigalinayay soosaarida buugaan kajeediyay xubnihii kasoo qeybgalay.

Hanad Maxamed oo ka mid ahaa Soomaalidii ka Qayb-qaadatay Qisooyinka lagu soo Ban-dhigay buuga dhageysiga codadka ayaa sheegay in buugaan lagu qoray dhiibaatooyinka ay kala soo kulmeen Soomaaliya iyo Koonfur Afrika haweenka iyo saxafiyiinta, wuxuu intaa ku daray in buugaani uu tusaale uyahay in Soomaalidu aysan Koonfur Afrika u imaan arrimo dhaqaale iyo inay fursadaha ganacsi ka qaataan dadka wadanka udhashay, balse dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ee loogeestay ayaga iyo eheladooda ay kasoo carareen.

Dahraan oo ka mid ah haweenka ku dhaqan Koonfur Afrika ayaa tilmaamtay in buugaan lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ay dumarka Soomaaliyeed la kulmeen lagasoo bilaabo xiligii ay dagaalada sokeeye ka dhaceen Soomaaliya iyo xiliyadaan ay yimaadeen dalkaani Koonfur Afrika, waxay intaa ku dartay inay istbitaalada dowlada Koonfur Afrika ay dhibaatooyin ku qabaan haweenka oo aan si wanaagsan loogu caawin marba haddii la garto inay yihiin Soomaali.

Guddoomiyaha xaafada Soomaalida kaga nooshahay magaalada Johannesburg ee Mayfair mudane Jerry Musesi oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayay buugaan laga qoray dhibaatooyinka Soomaalida ay dalkooda iyo Koonfur Afrika kula kulmeen ayaa sheegay in buugaan ay ku faafin doonaan goobaha ay dadka Koonfur Afrikaanka ah ku kulmaan si ay u ogaadaan in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kasoo carareen ee aysan dhaqaalo doon aheyn.

Guddoomiye kuxieenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika C/llaahi Bashiir Mahdi oo bandhiga kadib ka warbixiyay ayaa sheegay in buugaan ay ku jiraan qisooyin xanuun badan oo ay ka sheekeenayaan haween iyo wariyaal ku nool dalkaan Koonfur Afrika, wuxuuna intaa ku daray in soosaarida buugaan ay iska kaashadeen Somali Community Board iyo Ha'adda Action Support Center.

Ugu dambeyn, Buuggaan ay soo bandhigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo hay'adda Action Support Center ayaa ka mid noqonaya buugaag horay looga qoray Soomaalida qurba joogta ah ee iyagu gudaha Soomaaliya dhibaatooyin uga soo cararay haddana kuwo kale ku qabsadeen wadamadii ay yimaadeen.

Mahad maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika