4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2016
MUQDISHO: KIISASKA KANSARKA OO SOO BATAY

Xaquuqda masawirkaan waxaa leh Radio Ergo mahadi ha ka gaadhee


Axad, Juun 19, 2016 (HOL)-Dhaqaatiirta jaamacada UNISO ee Muqdisho ayaa sheegay in kiisaska kansarka ay soo bateen sanadkaan dalka gudihiisa.


Dr Xuseen Abshir Xassan oo ah madaxa waaxda kansarka ayaa sheegay in 174 la dhigay isbitaal kuyaala halkaa tan iyo bishii Janaayo. 

 

Wuxuu mid ka mid ah idaacadaha ku baxa afka Soomaaliga u sheegay in noocyo kala gadisan oo kansar ah laga helay bukaanadaas sida kansarka huunguriga, beerka, dhiigga, lafaha, afka iyo maqaarka.

 

Waxaa dadkaa bukaanada ah ay yimaadeen isbitaal ku dhex yaala jaamacada Soomaaliya ee degmada Howl-wadaag.

 

Dr Xuseen ayaa sheegay in kororka ku yimid tirada kiisaska loo aaneynaayo asbaabo faro badan. 

 

“Waxaanu ka shakisan nahay in raashinka iyo dawooyinka dhacay ee dalka lasoo galiyo iyo sunta haraadiga ah ee sida sharci darrada ah loogu qubo dalka ay yihiin asbaabta kiisas badan oo kansar ah. Asbaabo kale waa nafaqo darro abaaruhu keeneen iyo walwal joogto ah oo dagaalada sokeeye ay dhaliyeen,” sidaa ayuu yiri.

 

Wuxuu sheegay in bukaano badan oo kansar qabay oo aan durba la keenin isbitaalada si looga daweeyo dib u dhacna uu ku yimid, ay qasab noqotay in xubno jirkooda ka mid ahaa laga jaro si looga hortago faafitaanka kansarka.

 

Bukaanadu badanaa wey qarinaayeen cudurkaa ay qabaan ama qabeen. 

 

Soomaaliya waayihii hore kiisaska kansarku waa ku yaraayeen laakiin waxay aad ay usoo bateen 25kii sano ee dagaalka sokeeye iyo abaaruhu ku habsadeen dalka.