4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2016
SAWIRRO: Arday ugu horreysay oo Master ah oo ka Qalin-jabisay Qaybta Qalliinka ee J. Banaadir

Axad, Juun 19, 2016 (HOL) — Waxaa Muqdisho ayaa waxaa lagu Qabtay shalay Xaflad ballaaran oo ay ku qelin jebinayeen arday labo qeybood ka kooban oo kala ahaa, dufcadii ugu horreysay ee kasoo baxday Takhasuska Waxbarashada Heerka Labaad ee Jaamacadda Banaadir (Master) iyo Dufcaddii Saddexaad ee Umulisooyin iyo Kal-kaaliyeyaal - oo iyana ka Qalin-jabiyay Kuliyadda Culuunta Caafimaadka ee isla Jaamacadda Banaadir.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, Xildhibaano, Safiirka dowlada Turkiga u jooga Soomaaliya, Masuuliyiin ka socotay Hay'adaha dalka Turkiga ee ka howlgala dalka, Maamulka Jaamacadda Banaadir, Guddiga Mu’asasada Banaadir, Madaxda Jaamacadaha Maxaliga ah qaarkood, aqoonyahano, Waalidiin, arday iyo marti-sharaf kale.

Hormuudka Kuliyada Culuunta Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir Mr. Xasan Warsame Nuur oo hadal kooban jeediyay, ayaa xusay in ardayda qelin jebisay ay tiradoodu gaareyso 27-arday oo isugu jira; Umulisooyin iyo Kal-kaaliyeyaal ka soo baxay Machadka Ibnu-sina oo sadex sano ka hor ay si wadajir u aasaaseen Jaamacadda Banaadir & ururka dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee Turkiga (Doctors Worldwide), isagoo faahfaahin ka bixiyey qaabkii ardaydan loo soo saaray iyo dedaalkii ay Muujiyeen.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo Xafladan khudbad ka jeediyey ayaa u Hambalyeeyey dhamaan ardayda qelin jebisay oo uu xusay iney Juhdi adag soo galeen.

“Maanta waxaan sameynaynaa Taariikh ku saabsan Caafimaadka Somaaliya maxaa yeelay waa maalintii ugu horeysay oo sagaal dhaqtar oo sadex sano ku oo jiray tababar adag oo ka socday Magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul, Imtixaan Adag soo galay kaddib qaadanaya Shahaadada Masterka ee Dhinaca Qaliinnada, waxaa kaloo qelin jebineysa saddex arday oo baratay takhasuska maareynta ganacsiga MBA, sidoo kale waxaa iyagana ka qalin-jabinaya umulisooyin qaatay Shahaadada Bachelorka waana markii ugu horeysay Somalia ee la arko Umulisanimo heer Bachelor gaarsiisan” ayuu yiri Dr. C/risaaq Dalmar oo u Mahad-celiyay Istanbul Medinayet University, Hay'ada gargaarka Turkiga ee TIKA & ururka Dhaqaatiirta Turkiga (Doctors Worldwide) oo Dhamaantood gacan ka geysatay Qalin-jebinta Ardaydan.

Safiirka Turkiga ee Somalia, Olgan Bekar oo isna Munaasabaddan ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo Qayb-galka xafladan, isagoo u hambalyeeyey ardayda qalin-jabisay, wuxuuna xusay in Dowlada Turkigu ay sii wadeyso taageerada Somalia maadaama labada dad ay walaalo yihiin, wuxuuna u mahad-celiyey Jaamacadda Banaadir oo uu xusay inay kaalin weyn kaga jirto horumarinta Waxbarashada Somalia, wuxuuna ugu baaqay inay Dadaalkooda sii labo jibaaraan.

Prof. Dufle oo isagana xafladda hadalo ka jeediyey ayaa hambalyada ardayda qelin jebisay ka sokow Tilmaamay inay ka Dhabeeyeen Gaaritaanka yoolkii ay Higsanayeen - Wuxuuna Dhinaca kale ku Dheeraaday Dadaalka Jaamacaddu ugu jirto sare u Qaadidda Aqoonta iyo Waxbarashada Dalka.

Wasiiradda Caafimaadka Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Xaawo Xasan Maxamed oo Xafladan khudbad ka jeedisay ayaa xustay iney ku faraxsan tahay iney aragto arday markii ugu Horreysay Jaamacad Soomaaliyeed - ka Qaadanaya Shahaadada Master-ka ee Qaybta Caafimaadka, iyadoo u Mahad-celisay Jaamacadda Banaadir iyo Hay'adaha Dalka Turkiga ee gacanta ka siiyey qelin jebinta ardaydan.

“Waan u Hambalyeynayaa Ardayda Qalin-jabisay, Runtiina dadaal badan baad Muujiseen, Waajibaadkiinuna waa inaad ka qayb-qaadataan horumarinta dalkiina iyo wax u qabashada dadkiina, wasaarada Caafimaadkuna wey idin soo dhoweynaysaa mustaqbal wanaagsan iyo guul baana idin rajeynayaa” ayey tiri wasiiradda Caafimaadka Somalia.

Dhanka kale, Waxaa ka hadlay intii Xafladdu ay socotay Mas'uuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiir-u-dowlaha Waxbarashada Somalia, C/llaahi Bile, Wasiir ku-xigeenka qorsheynta C/llaahi Shiikh Cali, gudoomiyaha Mu’asasadda Banaadir, Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti) Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, Daahir Xasan Carab, Isku Dubaridaha Takhasuska Caafimaadka iyo Qalliinnada Guud ee Jaamacadaha Banaadir iyo Istanbul Medinayet University, Prof. Orhan Alimoglu, gudoomiyaha hay'adda Dhakhaatiirta Turkiga (DWWT), Dr Yahyahan Guney, Arday ku hadlaysey Magaca Qalin-jebiyeeyaasha iyo xubno kale.

Ugu dambeyntii, Mas’uuliyiinta Xaflada ka hadashay, ayaa Waxay Shahaadooyinkii loogu talo galay gudoonsiiyeen ardaydii qelin jebisay oo wejiyadooda laga dheehan karay farxad fara badan, Maadaama ay ka Gun-gaareen Dadaalkii Waxbarasho ee Sannadaha badan ay u soo dhabar adeygeen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya