4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2016
Sawirro: Hormuud Foundation oo deeq lacageed u Qaybisay Yemeniyiinta ku soo Qaxay Muqdisho

Axad, Juun 19, 2016 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation, ayaa Deeq Lacageed ugu qaybisay Muqdisho Qoysas ka mid ah Jaaliyadda Yemen ee ku nool Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Xaflad lagu qabtay Hoteelka Shaamow ayaa deeqdan lacageed loogu qaybiyay qoys ka mid ah Yamaniyiintii kasoo cararay dagaalada sokeeye ee ka soconaya dalkooda, isla markaana soo miciin-biday Soomaaliya.

Qoysaska lacagta loo qaybiyay ayay tiradoodu ahayd Saddex Boqol, Waxaana Qoys walba la siiyay lacag dhan Boqol Dollarka Mareykanka  ah ($100). Waxay kaloo ku Wareejisay Hay’adda Hormuud Foundation Hoggaanka Jaaliyadda Yemen 300 oo kartoon oo timir ah, taasoo culeyskeedu ahaa 2,400 oo KG.

Guddoomiye ku xigeenka Hormuud Foundation C/raxmaan Ibraahim Cilmi (Ookiyaale) oo Xafladda ka hadlay ayaa sheegay in Deeqdaan Lacageed ay ugu Talla-galeen in Jaaliyadda Reer Yemen ay isticmaalaan inta lagu jiro Bishan Ramadaanka.

Sidoo kale, Mudane Ookiyaale ayaa Xusay inay dareemi karaan inaysan Deeqdan lacageed dabooli karin baahiyaha Guud ee ay qabaan Qoysaska Yemeniyiinta ah, isagoo ugu baaqay inay Garowsadaan Marxaladda ka jirta Dalka.

Waxaa isaguna munaasabada ka hadlay, Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo xusay in shirkadaha kale ee wadanka ka jira looga baahan yahay inay Hay’ada Hormuud Foundation ku daydaan, ayna caawiyaan shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Martida u ah.

Hoggaanka Jaaliyadda reer Yemen, ayaa ka mahadceliyay deeqdan, waxayna muujiyeen in Deeqda lagu soo beegay, Xilli ay baahi u qabeen Qoxootigu colaadaha dalka Yemen kasoo cararay ee ku nool Muqdisho.

Ugu dambeyn, Yemen waa dalka keliya ee ka tirsan Dalalka Carabta ah oo Xeryo Qaxooti uga sameeyay dalkiisa Shacabkii Soomaaliyeed ee ka cararay Colaadihii sokeeye ee Dalka ka Qarxay Sagaashamaadkii.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya