4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2016
Maamul Cusub oo loo Magacaabay Degmada Buula-burte oo ka tirsan Gobolka Hiiraan


Axad, Juun 12, 2016 (HOL) — Mas'uuliyiin ka Tirsan Maamulka heer Gobol ayaa u jooga degmada Buula-burte xil wareejinta maamulkii hore ee degmada, kaddib markii Dowladda federaalka Soomaaliya maamul cusub u soo magacaawday.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Buula-burte ayaa noqonaya Xassan Nuur Maxamed oo badali doona guddoomiyihii hore C/siis Duuroow oo warar soo baxaya sheegayaan in uu wali ka biyo diidan yahay xil ka qaadista lagu sameeyay.

Sidoo kale maamulka cusub ayaa waxaa ka mid noqonaya Guddoomiye Xigeenka Dhinaca Ammaanka Degmada oo loo magacaabay, Axmed Cabdi Weheliye, halka Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maaliyadana loo dhiibay Liibaan Cabdi Burusoow.

Duqii hore ee Buula-burte, Cismaan Geedi, ayaa siddoo kale ka mid ah mas'uuliyiinta xilka laga qaaday waxaana loo magacaabay xilka Duqa Degmada, Cali Cumar Rooble.

Wararka naga soo gaaraya Buula-burte, ayaa sheegaya in xarunta looga Arrimiyo degmada wali ku sugan yihiin ciidammo daacad u ah guddoomiyihii hore C/siis Duuroow oo ka soo horjeestay magacaabistan cusub sidda uu HOL u sheegay mid ka mid ah mas'uuliyiinta maamulka degmada.

Xasan Max'ed Ibraahim [Xassan Kaafi] afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan ayaa HOL u xaqiijiyay magacaabista maamulka cusub isaga oo intaa ku darray in wasaarrada arimaha gudaha& federaalka  xilalkii ay hayeen ka qaaday mas'uuliyiintii hore maamulka degmada.

Degmada Buula-burte waxaa hadda ku sugan guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Ammniga iyo Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Cabdalla Inji oo halkaas u tagay xil wareejinta.

Ugu danbeyntiitii, Buula-burte oo ah Degmada Labaad ee ugu Ballaaran Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ku sugan Ciidammo ka tirsan AMISOM oo ka socda Dalka Jabuuti, kuwaasoo marka laga soo tago dagaalka Al-shabaab kala shaqeeya maamulka sugida Amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya