4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2016
Ugu Yaraan 50 Qof oo Toogasho Lagu Dilay Kalaab La Weeraray Gudaha Mareykanka

Axad, Juun 12, 2016 (HOL)-War dagdag ah oo mar dhow soo dhacay ayaa sheegaya in ilaa 50 qof lagu dilay toogasho meel kalaab lagu tunto ah oo la weeraray.

Meeshaas ayaa markii hore wararku sheegayeen in tiradu intaa ka yareyd waa tirada dhimashadee balse haatan ayaa lagu waramayaa in ay sare u kacaday oo ugu yaraan dadka halkaa lagu dilay ay gaarayaan 50 qof.

Qof labo qori sitay ayaa la sheegay in uu rasaas ku furay dadkii halkaa ku tumaanaayay meeshaa oo wararka qaar ay tibaaxayaan in ay tahay meel dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda ay ku tuntaan kuna taala magaalada Orland ee Mareykanka.

Biliiska ayaa haatan baaraya in weerarkaa uu ahaa fal argagaxisonimo iyo in kale.