4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2016
Taliska Booliiska Degmada Waabari oo Gelinaya Kaamirooyin Qarsoon Jidka Maka al-Mukarama


Axad, Juun 12, 2016 (HOL) — Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, Col. Xuseen Maxamed Cabdi oo ka hadlayay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Waabari ayaa sheegay in maamulkooda ay xoojinayaan dadaalada amniga lagu xaqiijinayo.

Gaashaanlle Xuseen ayaa xusay in Kaamirooyinkii ugu horeeyay ee ah Nooca CC Camera ay ka hirgaliyeen gudaha Saldhiga degmada Waabari oo ku yaalla nawaaxiga isgooska Dabka ee Muqdisho.

Tiro kale oo horleh ayuu sheegay in ay dhawaan galin doonaan wadada Maka al-mukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoosyada Dabka iyo Shaqaalaha.

“Kaamirooyinka waxa ay naga saacidayaan xaqiijinta amniga, waxeyna keedinayaan waxii wadada ka dhaca oo marqaati kale looma baahna” sidaas waxaa yiri Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Waabari.

Waxaa kale uu taliyuhu sheegay in dadka isticmaala waddada maka al-mukarama iyo kuwa ku ganacsada in ay muujiyaan feejignaan xagga Amniga ah oo Ciidamada Ammaanka ay la shaqeeyaan.

“Baabuurta meelaha khaladka la dhiganayo waxaa ka Jira dhibaato badan - Shacabka ku ganacsada hareeraha wadada waa in aysan oglaan in gaadiid qofkii watay aan la aqooon in la hor dhigo”

Ugu dambeyn, Ciidanka Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOOM gaar ahaan Booliskooda ayaa maal-mahaan gordhiyay howlgada lagu xaqiijinayo amniga Kaamirada; Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa habeen iyo maamiln waxaa lagu arkayaa ciidan kuwaasoo wada howlo amini xaqiijin ah.

Hiiraan Online, News Desk