4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2016
Qaar Katirsan Qaxootiga Dhadhaab oo Soomaaliya Iskood Ugu Laabanaya

 

Axad, Juun 12, 2016 (HOL)-Sanadkii 2013, waxaa la gaaray heshiis seddex geesood ah oo dhigaya in qaxootigu iskood dib ugu laabtaan Soomaaliya ee aan la qasbin, waa qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.

Heshiiskaas ayaa waxaa wada saxiixday Kenya, Soomaaliya ee hayada QM ee qaxootiga ee UNHCR.

Bishii lasoo dhaafay tirada rasmiga ah ee qaxootigaa ah ee iskood Soomaaliya ugu laabtay ee UNHCR ay diiwaan galisay waxay ahayd 13 kun haatana wali waa ay socotaa is diiwaan galinta dadka laabanaya ayagoon ciidina qasbin.

Sawiradaan ayaa muujinaaya dad qaxootigaa ka mid ah oo iskood ulaabanaya.

2 maalmood ka hor ayay ahayd markii madaxa UNHCR, Flippo Grandi uu booqasho ku tagay xerayaha Dhadhaab oo ay kunool yihiin boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Booqashadaa ayaa kusoo aaday ayadoo dawlada Kenya ay go'aansanayso  in ay xidho xeryahaa isla markaana dib Soomaaliya loogu cesho qaxootigaas.

Arintaas ayaa wallaac ba'an dhalisay qaxootigana walbahaar iyo diiqad galisay halka madaxda Soomaaliyana arinta celinta qaxootiga ah ay sheegeen in loo baahan yahay in ay noqoto mid si nidaamsan ah.

Waxaa asbuucii tagay Dhadhaab iyo Nairobi intaba booqday madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh asagoo madaxtooyada Nairobi kula kulmay dhiggiisa, waa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta halkaas oo ay isla qaateen in qaxootigaa si nidaamsan loo celin doono.

Qaxootiga Soomaalida ah ayaa kunoolaa Kenya tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada, Nairobi, Kenya.