4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2016
Sawiro Kusaabsan Booqashadii Dhawaan Dhadhaab uu Kutagay Madaxa UNHCR- Philipo Grandi

Axad, Juun 12, 2016 (HOL)-2 maalmood ka hor ayay ahayd markii madaxa UNHCR, Flippo Grandi uu booqasho ku tagay xerayaha Dhadhaab oo ay kunool yihiin boqolaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Booqashadaa ayaa kusoo aaday ayadoo dawlada Kenya ay go'aansanayso  in ay xidho xeryahaa isla markaana dib Soomaaliya loogu cesho qaxootiga halkaa ku jira.

Arintaas ayaa wallaac ba'an dhalisay qaxootigana walbahaar iyo diiqad galisay halka madaxda Soomaaliyana arinta celinta qaxootiga ah ay sheegeen in loo baahan yahay in ay noqoto mid si nidaamsan ah.

Waxaa asbuucii tagay Dhadhaab iyo Nairobi intaba booqday madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh asagoo madaxtooyada Nairobi kula kulmay dhiggiisa, waa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta halkaas oo ay isla qaateen in qaxootigaa si nidaamsan loo celin doono.

Qaxootiga Soomaalida ah ayaa kunoolaa Kenya tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada, Nairobi, Kenya.