4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2016
Shirkadda Hormuud oo deeq gaarsiisay bukaanada Jiifa isbitaallada Kismaayo


Axad, Juun 12, 2016 (HOL) — Bisha barakeeysan ee Ramadaan oo ah bil umadda Muslimka ah ay uga faa’iideysato cibaado iyo sadaqo bixinta ayaa marka ay bilabato waxaa ay shirkadaha iyo dadka eebbe wax siiyay ku tartamaan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen ayaga oo caawinaya dadka danyarta ah ee dhibaateeysan.

Shirkadda Hormuud oo kamid ah shirkadaha isgaarsiinta ee dalkeenna ayaa deeq lacag ah gaarsiisay bukaanada jiifa isbitallada magaalada Kismaayo, kuwaa oo intooda badan ahaa carruur uu soo ritay cudurka shubanbiyoodka kuwaa oo laga keenay deegaanada gosha islamarkaana ay la socdeen waalidiintooda.

Bukaanada jiifa waaxaha kala duwan ee Isbitalka Kismaayo iyo kuwo kale ee lagu xanaaneeyo isbitalka Fuuqle ee carruurta ayay bukaan waliba gudoonsiiyeen lacag dhan $100 oo u dhiganta Sh.Som. 3,300,000 (Sedex milyan iyo sedex boqol oo kun oo shilin Soomaali ah).

 Agaasimaha guud ee isbitalka Kismaayo Xuseen Sheekh Qaasim oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay maamulka shirkadda Hormuud deeqda ay soo gaarsiiyeen bukaanada Jiifa isbitalka Kismaayo, isagoo sheegay in loo baahanyahay in shirkadaha kale ay ku daydaan Hormuud islamarkaana caawiyaan dadkooda.

Qaar kamid ah bukaanada jiifa isbitallada deeqda la gaarsiiyay ayaa uga mahadceliyay shirkadda Hormuud deeqda ay soo gaarsiisay, ayagoo sheegay in ay kusoo beegantahay xilli ay aad ugu baahnaayeen.

Axmed Mursal Nuur oo kamid ah maamulka shirkadda Hormuud ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid a ugu talogaleen in bishan barakeeysan ee Ramadaan ay uga farxiyaan bukaanada jiifa Isbitallada Kismaayo, isagoo xusay in Hormuud ay marwalba ka go’antahay caawinta shacabka.

Xaasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
KIsmaayo-Soomaaliya.