4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2016
Hormuud Foundation oo Maanta deeq gaarsiiyay bukaanada ku jira isbitaalka Beledweyne (Video)

Axad, Juun 12, 2016 (HOL) — Hay'adda Hormuud Foundation ayaa Maanta deeq lacageed u qaybisay Qaar ka mid ah Bukaannada ku jira Isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne oo xarunta gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Cabdulle Cali oo ka mid ah Maamulka Shirkada Hormuud oo gudaha Isbitaalka kula hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay deeqdan lacageed loogu tala-galay dadka bukaanka ah ee ku jira isbitaalka, gaar ahaan dadkii dhawaan ku soo dhaawacmay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

“Deeqdaan, Waxaa loogu Talo-galay oo kaliya Ramadaan-ka, Dabcan Ma ahan markii ugu Horreysay oo isbitaalka aan gargaar soo gaarsiino horay ayaan sidan oo kale u soo gaarnay, mana noqon doonto markii ugu danbeysay,'' ayuu yiri C/raxmaan Cabdulle Cali.

Hay'adda Hormuud Foundation ayaa tirada bukannadii ay Deeqdan u Qaybiyay mid Walba oo ka mid ah guddoonsiiyay lacag dhan Boqol Doollar $100, Waxaana deeqdan lasoo gaar-siiyay ka mahad-celiyay Bukaannadii loo Qeybiyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya