4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2016
Askar kawada tirsan kuwa Dowladda Somalia oo Maanta ku Diriray Gudaha Magaalada Cadaado


Axad, Juun 12, 2016 (HOL) — Ugu yaraan laba Askari ayaa ku Geeriyooday lix Askari oo kalena way ku dhaawacmeen, kaddib is-rasaaseyn maanta ku dhexmartay gudaha degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud Ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Iska-horimaadkaan, ayaa ka dhacay Xarun lagu Magacaabo Kafaalo oo Cadaado ku Taalla, waxaana la sheegay in dagaalka ciidamadan uu ka dhashay mushaar goobta lagu bixinayay, iyadoo lagu soo warramayo iny kawada tirsanaayeen ciidankan Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan qaarkood mushaarkoodii la siiyay taasoo keentay in kuwii aan mushaarka la siin ay gadood sameeyaan, halkaana uu ka dhasho iska-horimaad muddo kooban socday.

Maamulka Galmudug oo xarun KMG ah ay u tahay degmada Cadaado iyo Xukuumada FS ayaan weli ka hadlin iska-horimaadka Maanta degmadaas ku dhex-maray Ciidamadaan ka wada tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Xaaladda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud, ayaa haatan la soo sheegayaa inay tahay mid degen, iyadoo ciidamadii dagaalamay ay si iskood ah uga tageen goobta uu iska-horimaadku ku dhex-maray.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya