4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2016
Aabeyaashu Ahmiyad Weyn Ayay Leeyihiin

Axad, Juun 12, 2016 (HOL)-Waa maqaal aan ku eegaayo muhiimada aabeyaasheen ay leeyihiin. Hooyooyinku abaal ka badan kan aabeyaasha ayay nagu leeyihiin.

Rasuulka ayaa la weydiiyay yaa dadka kuugu xaq badan saddex jeer; saddexdii wuxuu yiri 'hooyadaa' waa uuna kusoo celceliyay; markii 4aad oo la weydiiyay isla su'aashaa ayuu rasuulku (s.c.w) yiri, 'aabahaa'.

Arintaa ayaa noo muujinaysa hooyada xaqeedu sida uu uga weyn yahay kan aabaha hase ahaatee abaaha asaga qudhiisu  xaq badan ayuu leeyahay taasina waan ognahay oo dad Muslim ah ayaanu nahay oo diintooda barta had iyo jeer.

Ayadoon aabe iyo hooyo la kala qaadin ayaa Alle ina amray inaan Asaga marka hore ku shukrino kadibna waalidiinteen labadaba maadaama ay nasoo koriyeen.

Badi aabeyaasha waxaa lagu yaqaan inay yihiin dad naxariis badan, geesiyaal ah ubadkoodana u ah tusaaleyaal wanaagsan oo ku dayasho mudan.

Dadku hadaba waxay mudan yihiin inay aabeyaashood caawiyaan, ka warqabaan isla markaana wanaagii ay u galeen ay ka maqsuudaan.

Ugu dambeyn waxaa nalaka doonayaa inaan isku dayno inaan wanaag iyo samofal u galno labadeena waalid inta ay nool yihiin hadii ay dhinteena aan u duceyno in badan.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]