4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2016
Rabshado Hareeyay Ciyaaraha Yurub ee Euro


 
Axad, Juun 12, 2016 (HOL)-Carqalado ayaa hareeyay ciyaarihii wajiga labaad ee xulalka England iyo Ruushka, kaasoo ka dhacay magaalada Marseille ee dalkaasi Ingiriiska.

Rabshada ayaa waxay ku qasabtay booliska inay adeegsadaan sunta ilmada dadka ka keenta si ay ukala kaxeeyaan taageereyaasha labada koox oo isku fara saaray afaafka hore ee garoonka ciyaartu ka dhaceysay.

Dhowr ka mid ahaa taageereyaasha kala taabacsan labada koox ayaa dhaawacyo ay soo gaareen.

Wararka ayaa tibaaxaya in in kabadan toban qof ay rabshadaa ku dhaawacmeen qaarkoodna ay xaaladoodu halis tahay kadib markii ay soo gaareen dhaawacyo culus.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartaasi waxay ku dhammaatay barbar dhac 1 gool iyo 1 gool ah.