4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 12, 2016
Shaqaalaha Guryaha ee Soomaalida ah oo Halis Kujira Bishaan Ramadhaan Dalalka Khaliijka

Axad, Juun 12, 2016 (HOL)-Ayadoo dhawaan la saxiixay heshiis cusub oo dhigaya in shaqaale guryaha ka shaqeeya oo Soomaali ah oo dhan 600  ilaa 1,000 loo diro Sacuudiga bishaan Ramadaan ayaa bishaani sideedaba ay shaqo badan tahay.

Sidaas waxaa qortay jariidada the New Arab. Taas waxaa u sabab ah shaqada cunno karinta oo badan bishaan barakaysan ayadoo af fur iyo saxuur la kariyo taasoo sababta in shaqaalaha guryaha ka shaqeeya Khaliijka ay shaqeeyaan saacado dheeraad ah waxaana inta badan dhacda in xad gudubyo badan lagula kaco shaqadana lagu badiyo.

Jariiradu waxay sheegtay in tobankii sano ee lasoo dhaafay ay wax ka qortay xadgudubyo ba'an oo fara badan oo ka dhan ah shaqaalahaa.

Booyaasooyinka ayaa ku andacooda in dadka ay u shaqeeyaan ay ka qariyaan baasabooradooda si aysan uga tagin ayagoo shaqooyin adag oo badan u dhiiba saacado ay nastaan oo kufilana aysan dabadeed helin.

Intaa waxaa dheer inaan la siin maalmo nasasho ah.

Heyada xaquuqul insaanka udooda ee Human Rights Watch ayaa sheegtay inaan shaqaalahaa in badan oo ka mid ah aanan lasiin mushaaraad buuxa, in dadka ay u shaqeeyaan aysan ogoleyn inay ka baxaan guryaha isla markaana aan lasiin cunno kufilan.

Mararka qaar dhaawacyo iyo dil ayaa loo geystaa shaqaalaha guryaha ee Khaliijka falal galmo oo sharci darro ahna waa lagula kacaa.

Hadii ay isku dayaan inay shaqada ka tagaan, waa la xiraa ama waa lasoo masaafuriyaa.

 

Dalalka qaarkood waa ay mamnuuceen in shaqaale ka aadaan Sacuudiga kuwii dalalkaa ugu dambeeyayna waa Indonesia iyo Uganda.

Hayada xaquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa sheegeysa in loo baahan yahay in la fahamsiiyo shaqaalah xaalada ay ku shaqeyn doonaan ka hor inta aysan Soomaaliya ka tagin, xaquuqdooda iyo halka hadii dhib uu ku yimaado ay cawimaad ka heli karaan.


Human Rights Watch waxay sidoo kale ugu baaqeysaa dawlada Soomaaliya inay ansixiso Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Shaqada ee QM oo ah heshiis lagu badbaadinaayo shaqaalaha caalamka oo dhan oo ay kujiraan shaqaalaha guryaha.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online

[email protected]