4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 12, 2016
Dowladda FS oo Cusbooneysiinaysa Heshiiskii Dib u Celinta Qaxootiga Dhadhaab ee 2013-kii


Axad, Juun 12, 2016 (HOL) — Iyadoo Kumannaan Qaxootiga Soomaaliyeed ah ee weli ku nool yihiin Xeryaha Dhadhaab-Kenya, ayaa waxayaabaha suuro-gelin kara inay dalkaas sii joogaan Waxaa ka mid ah in la cusboooneysiiyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee lagu kala saxiixday Magaalada Nairobi Sannadkii 2013-kii, kaas oo u Dhxeeyay Xukuumadaha Somalia, Kenya iyo Hay'adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR.

Hehiiskaas Waxa uu ku egyahay Bisha November ee Sanadkaan Waxaana Soomaaliya iyo Kenya ukala Saxiixay Heshiiska Fowsiya Yuusuf X. Aadan RW ku xigeenka Xilligaas iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed.

Xilliga Xukuumadda Kenya ay kusoo beegtay ku dhawaaqista Go’aankeeda ah in la xirayo Xeryaha Dhadhaab ayaa ah waqtiga u dhacayo Heshiiska, Waana taa midda dad badan ay u arkaan in Kenya mudaba sugeysay Gaarista November.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xiligan wadda dadaalo ay ku dooneyso in waqtigiisa loosii dhereesiiyo Xiliga heshiiska.

Maxamed Cumar Carte Qaalib, Waa Ra’iisul wasaare kuxigeenka Dalka waxa uu Carabka ku adkeeyay iney dib udheereenayaan xiliga dhamaanshaha Heshiiska.

Ma uusan sheegin Carte illaa muddada cusbooneysiintu soconayso, Laakiinse Wuxuu Rajo buuran ka muujiyay in mudada loo badiyo heshiiskaas saddex-geesoodka ah.

Dad badan ayaa rumeysan in go’aanka Kenya uu yahay oo kaliya mid ay ku dooneyso iney dhaqaalo Fara Badan uga hesho dallaka reer Galbeedka iyo hay’adaha hoos-taga Qaramada midobey balse arinkaas Kenya waa ay dafireysaa.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa aad uga hadlay arrinta ku saabsan Qoxootiga Soomaalida ah ee Kenya jooga wuxuuna sheegay inaan loo barbar dhigi karayn Qaxootiga Suuriyaanka ah ee kunool Urdun; Wuxuu yiri muuqaalka Dhadhaab aad ayuu uga Walaac badan yahay marka loo eego saamaynta qaxootiga Soomaalidu ku leeyihiin deegaanka iyo ammaanka.

Wuxuu ugu baaqay midowga Yurub inuu Kenya ka caawiyo sidii qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya kunool loogu celin lahaa Somalia si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.

“Kenya kama hadleyso culeys dhanka maaliyada ah. Waxaanu ka hadleynaa ammaanka iyo culeyska dhanka bii’ada ah,”  sidaa ayuu yiri Uhuru.

Ugu dambeyn, Waxaa dhawaanahan la hadal-hayay celinta Qoxootiga Soomaalida ah ee ku Nool Kenya, Balse haatan ayaa Waxay u muuqataa inaan la isku heyn Celintooda ee la isku hayo marka la celinaayo iyo sida ay tahay in loo celiyo.

Hiiraan Online, News Desk