4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2016
Diyaarado Maalmahan duqeyn ku wada Buuraha Galgala ee Puntland oo Xarun u ah Al-shabaab


Sabti, Juun 11, 2016 (HOL) — Diyaarado dagaal oo aan la ogeyn Waddanka iska leh, ayaa maalintii afaraad duqeymo culus kawada Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari ee Puntland, halkaasoo xarun u ah Xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanada Buuraha GALGALA, ayaa Warbaahinta u sheegeen inay duqeymuhu yihiin kuwo culus, balse aanay garanayn cid si  toos ah loola beegsanayo.

“Waxaa maalmihii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geysanayay Caal-madoow oo ka tirsan Buuraha Galgala diyaarado aan la garanayn cida iska leh, waxaana duqeyntu ay sababtay in dad badan ay deegaannadoodii ka cararaan, kuwaasoo aan la ogeyn meel ay aadeen,” ayuu yiri Goobjooge magaciisa Qariyay oo la hadlay VOA-da.

Sidoo kale, Goobjoogahan ayaa intaa ku daray in Duqeymahan ay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay billowdeen, Wuxuuna Xusay in Goobaha la duqeynayo ay xoogag Al-Shabaab ka tirsan ku sugan yihiin.

“Madaafiicda diyaaradu soo tuurayaan, waxay waxyeello kasoo gaartay xoolo aad u badan, mana garanayo inay waxyeello bani'aadam geysteen,” ayuu yiri Goobjooge deegaannadaas ku sugan isna u sheegay qaybaha Warbaahinta.

Dhanka kale, Goobjoogayaashan ayaa hadalkooda raaciyay in Xoogagga Al-shabaab ee ku sugan Deegaannadaas ay dhawr jeer oo hore Handadeen Shacabka deegaanno buurahaas ka tirsan ku nool, inkastoo aysan waxyeello u geysan.

Ugu dambeyntii, Duqeymahan ayaa kusoo beegmaya iyadoo bishii hore ee May, lagu dilay Qaraxyo Waddada lagu Aasay tiro ka tirsan Ciidamada Puntland, kuwo kalena Dhaawacyo kala duwan ay kasoo gareen.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ee uu hoggaamiyo C/weli Gaas, ayaan ka hadlin weli duqeymaha diyaaradaha aan la garanayn ay ka geysanayaan maalintii Afraad Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya