4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2016
Siilaanyo oo Itoobiya ka Codsaday in baaris lagu sameeyo dadkii lagu laayay Gaashaamo (Sawiro)


Sabti, Juun 11, 2016 (HOL) — Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Wefdi Itoobiyaan ah oo uu Hoggaaminayo Wasiir-u- dawlaha Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya Mr Regasa Kefalewu.

Siilaanyo ayaa Wefdiga ka codsaday in baadhitaan lagu sameeyo Dadkii maatidda ahaa ee Soomaaliyeed ee lagu laayey tuuladda Jaamac Dubad ee Gaashaamo oo uu sheegay in dad shacab ah oo aan hub lagu laayey, waxa kale uu madaxweynuhu sheegay in fal daandaansi u muuqdo ay ciidamadda Liyuu Booliska Dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka Sameeyeen Magaalada Balli-dhiig ee Somaliland oo ay soo galeen, kaddibna Jeex-jeexay Calanka Somaliland.

“Waxaan idin kusoo dhawaynayaa Somaliland iyo Madaxtooyada labadaba. Sida aad og-tihiin waxaynu nahay laba dal oo jaar iyo saaxiibaba ah, waxannaan illaawayn, sidii Dad kayagu idinku baxsadeen 1980aadkii markii keligii taliyihii Siyaad Barre ay ka qaxayeen, magan-gelyadii aad siiseen iyo gacmo furaantii iyo laab furnaantii aad ku soo dhawayseen, kuna soorteen”ayuu hadalkiisa ku bilaabay madaxweynuhu, waxaanu intaas ku daray “waxaynu nahay dan wadaag ka wada shaqaynaya in dalalkeennu noqdaan kuwo xasiloon, isla markaana dad yawga labada dal ay ku hantaan barwaaqo”.

Sidoo kale, madaxweynuhu  wuxuu soo dhoweeyey heshiishkii hore u dhexmaray ee xaga ganacsiga, waxaanu yidhi “Socdaalkiina, Sida mas'uuliyiinta noo qaabilsani i soo Gaadh-siiyeen wuxuu la xidhiidhaa ganacsiga iyo fudaydintiisa, oo ay ku jirto waxka qabashada jidka Berbera iyo Togwajaale, waxanan amrayaa masuuliyiinta dhinacayaga inaysan waxba kala hadhin, sidii ay taabbo gal u noqon lahaayeen si kama danbaysana loogu gebegebayn lahaa”

Waxaa kaloo uu Siilaanyo ka hadlay heshiiskii dhawaan Somaliland la gashay Shirkadda Dalka Imaaraadka carabta ee DP World, “Aragtida fog ee Somaliland waxaa weeyaan in gobolka ay ku yaalaan Itoobiya iyo Somalilandba uu noqdo, gobol dhaqaalihiisu xooggan yahay, Waxaana Heshiiskayaga DP world iyo Somaliland uu yahay waxaa Xaqiijinaya in gobolku yeesho dhaqaale xoog leh, iyadoo jidka aynu ka wada shaqaynayno samaynteeda ee Somaliland iyo Itoobiya isku xiraya ay tahay isla markaana isku xidhkii gobolka Geeska Afrika”.

Madaxweynuhu, Wuxuu Wefdigaan ka codsaday in xukuumadda Itoobiya baadho dadkii shacabka ahaa ee lagu laayey tuuladda Jaamac Dabad ee Gaashaamo oo uu sheegay inay ahaayeen dad aan hubaysnayn, isagoo yidhi “waxa na soo gaadhay dadka aan hubaysnayn ee waayeelka, caruurta iyo haweenka ahaa ee qaarkood sida la noo sheegay ay masaajid ku jireen ee la laayey, Annagu idin kuma fara-gelinayno maamulka dalkiina, waxase aanu jecel nahay inaad ku samaysaan baadhis rasmiya cidda dhibaatadaasi gaadhsiisay dadkaasi, isla markaana aad wax ka qabataan ciddii geysatay falkaa Bani-aadanimada ka baxsan.”

Sidoo kale, Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wuxuu gardaro ku tilmaamay ciidamada Liyuu booliska oo magaaladda Balli-dhiig soo galay, isla markaana la sheegay inay jeex-jeexeen Calan Somaliland oo goob sudhan.

Dhinaca kale, Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiir-u-dawlaha arrimaha dibeda, ahna Hoggaamiyaha Weftigaan, Regasa Kefalewu, waxanu ka mahadceliyey soo dhawaynta  loo sameeyey.

Wasiir-u-dawladaha Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya, ayaa Wuxuu Faahfaahin dheeri ah ka bixiyay socdaalkooda, isagoo madaxweynaha u sheegay in masuuliyiinta labada dhinac ee heshiiska ka wada-shaqaynayaan ay sidii la rabay u wadaan, kuwaasoo isugu jira kuwo la gebegebeeyey iyo kuwo dhaqso loo gabagabayn doono.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in baadhitaan lagu samayn doono falkaasi ka dhacay Jaamac Dubad ee Gaashaamo, waxaanu yidhi  “Madaxweyne waxa aanu ballan qaadaynaa sidaad adiguba sheegtay, in baaris rasmi ah lagu sameeyo siday wax u dheceen, dhibaatada meesha ka dhacday, cidda ka danbaysay, ujeedada ay lahaayeen isla markaana si toosa loo horgeyn doono sharciga dambiilayaasha dilka dadkaas ku tallaabsaday”.

Waxaa kaloo, Wasiir-u-dawluhu xusay inaanay ogolayn wax dhibaato u keenaya amniga iyo xidhiidhka labadda dhinac, Waxaanu intaas ku daray in falalka noocaas ah ay cabsi-gelinayaan Nabad-galyada wanaagsan ee ay wadaagaan labada Waddan iyo iskaashiga ay doonayaan hadda iyo hadhawba inay yeeshaan.

Intaas kaddibna, Waxaa laga wada hadlay xagga Ganacsiga, is-kaashiga labadda dhinac, isticmaalka dekadda Magaalada Berbera iyo heshiishka hore u kala saxeexdeen labadda dhinac sii ambo qaadkiisa.

Ugu dambeyn, Waxay Wefdigaani la kulmeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Hawlaha Guud ee Xukuumadda Somaliland iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland