4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2016
Uhuru Kenyatta: Sababta Dhalisay in La Go'aansado Xiritaanka Xeryaha Dhadhaab Maahan Culeys Dhanka Maaliyada ah

Sebti, Juun 11, 2016 (HOL)-Wada hadalo shalay ka dhacay madaxtooyada Kenya ee Nairobi ayaa waxaa hareeyay go'aanka ku saabsan xiritaanka xeryaha Dhadhaab.

Shir uu la qaatay 20 safiir oo Reer Yurub ah gaar ahaan midowga Yurub ayaa madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ka sheegay in hannaanka dib u celinta qaxootiga Soomaalida ah uu noqon doono mid bed qaba oo si baniaadminimo leh loo samayn doono.

 “Aanu uga wada shaqeyno dib u dejinta qaxootiga dalkoodii si bed qabta oo sharaf leh. Hannaanka sidoo kale waa in lagu garawsado xaquuqul insaankooda iyo ammaankooda ”, Uhuru ayaa sidaa yiri.

Uhuru Kenyatta ayaa aad uga hadlay arinta ku saabsan qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya jooga wuxuuna sheegay inaan loo barbar dhigi karayn qaxootiga Suuriyaanka ah ee kunool Urdun.

Wuxuu yiri muuqaalka Dhadhaab aad ayuu uga walaac badan yahay marka loo eego saamaynta qaxootiga Soomaalidu ku leeyihiin deegaanka iyo ammaanka.

Wuxuu ugu baaqay midowga Yurub inuu Kenya ka caawiyo sidii qaxootiga Soomaalida ah ee Kenya kunool loogu celin lahaa Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.

 “Kenya kama hadleyso culeys dhanka maaliyada ah. Waxaanu ka hadleynaa ammaanka iyo culeyska dhanka bii'ada ah,”  sidaa ayuu yiri Uhuru.

In dhawaaleba waa jirtay in la hadal hayay celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool Kenya balse haatan ayaa waxay u muuqataa in aan la isku heyn celintooda ee laisku hayo marka la celinaayo iyo sida ay tahay in loo celiyo.