4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2016
Xildhibaannada Baarlamaanka FS oo u Codeeyay Qaar ka mid ah sharciyo hor-yaalay in Muddo ah


Sabti, Juun 11, 2016 (HOL) — Kalfadhiga sideedaad ee Baarlamaanka Somalia, kulankiisii 16-aad oo - ay soo Xaadireen mudanayaal tiradoodu ahayd 149, ayaa loogu codeeyay qayb ahaan sharciyo Maalmihii ugu danbeeyay hore yaallay baarlamaanka dalka.

Sharciyadda loo codeeyay waxaa ka mid ahaa sharciga dhismaha maxkamadda Dastuuriga oo helay codad gaaraya 147-xildhibaan, halka labo mudane ay ka aamuseen, mana jirin cid diidday.

Isla kulanka Baarlamaanka ayaa lagu meel mariyay  qodobka tobonaad kaasi oo ka hadlaya mudada xilheynta gudiga adeega garsoorka iyadooda ay codkooda siiyeen Qodobkaas 148 xildhibaan, halka uu xildhibaan ka aamusay,waxa natiijooyinka codeyntaasi ku dhawaaqay  Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Sidoo kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, waxay bilaabeen habkii cod loogu qaadi lahaa wax ka badalka qodobka 136 ee dastuurka, Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Jawaari ayaa sheegay in howshiisa ay socon doonto illaa laga gaaro kulanka Arbacadda .

Ugu dambeyn, Ma aysan dhicin in dhawr kulan ay Xarunta Golaha Shacabka ay ku qaateen Xildhibaanada baarlamaanka lagu meel mariyo wax ka beddel lagu Sameeyo Qodobka 136 aad ee dastuurka sabab la xiriirta tiradda xildhibaanadda oo kaamil noqon weysay wuxuuna u baahan yahay 184-cod.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya