4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2016
Marxuum Muxamad Cali oo Si Fiican loo Aasay

 

Sebti, Juun 11, 2016 (HOL)-Feeryahankii caanka ahaa ee reer Maraykan, Muxamad Cali oo Jimcihii lasoo dhaafay geeriyooday ayaa ugu dambeyn la aasay shalay.

Waxaa kasoo qeyb galay duugtiisa ilaa dhowr kun oo qof ayadoo halkaa laga aqriyay aayado ka mid ah Qura'aanka Kariimka ah  kuwaasoo uu aqriyay Al-Imaam Xamzah Cabdul-Malik.

Duqa magaalada Louisville ee gobolka Kentucky oo ah meeshii uu ku dhshay Muxamad Cali laguna aasay, Dr Kevin Cosby ayaa sheegay in markii uu hana qaaday Muxamad Cali ay qowmiyadda madow ee Maraykanka wajahaysay dhibaatooyin badan balse Muxamad ayaa qaab aan horay loo arag ula tacaalay dhibaatooyinkaas.

Muxamad Cali ayaan ahayn feeryahan oo kaliya laakiin kasokow masraxa feerka, wuxuu ku caan baxay inuu u doodi jiray xaquuqul insaanka, Muslimiinta iyo inuu ahaa gabyaa gabayadiisa xaqa iyo wanaagga ku cabbira.

Xaaska uu ifka uga tagay oo lagu magacaabo Lonnie Ali, ayaa sheegtay in nolashiisa ay wax badan ka baratay.

Waxay ka sheekeysay wixii ku dhaliyay in uu feerka barto oo ahaa in baaskiil uu asagu lahaa laga xaday- si hadii uu arko qofkii ka qaatay uu ula dagaalamo.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka qeyb galay janaazadii Muxamad Cali oo lagu tukaday Khamiistii asbuucii tagay.

Allaha u naxariistee Muxamad Cali waxaa iilka dhigay dad kooban oo isugu jiray xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisa, taasoo ah arin la sheegay in uu ku dardaarmay.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]