4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2016
Ban Ki Moon oo Cambaareeyay Weerarkii Lagu Qaaday Saldhigga AMISOM ee Deegaanka Halgan

Sebti, Juun 11, 2016 (HOL)Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa cambaareeyay weerarkii asbuucii lasoo dhaafay ay xooggaga Al-shabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiyaanka ee deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ee  Soomaaliya.

Sida ay qortay xarunta wararka ee QM (UN News Centre) sida laga soo xigtay afhayeenkiisa wuxuu Ban ugu baaqay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya inay aad ugu dhiirato inay la dagaalanto kooxda Al-shabaab. 

Wuxuu intaasi ku daray in QM ay ka go'an tahay xasilinta Soomaaliya iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Ugu dambeyn Mr. Ban wuxuu tacsi u diray qoysaskii ciidamadii ku dhintay halkaa iyo dhammaan dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay dagaalkii halkaa ku dhex maray AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo ciidamada dawlada Soomaaliya oo isku dhan ah iyo Al-shabaab.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.