4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 11, 2016
Al-shabaab oo Toogasho ku Dishay Afar Ruux oo ay ku eedeeyeen midkooda Dilkii Axmed Godane


Sabti, Juun 11, 2016 (HOL) — Al-shabaab ayaa Afar Ruux oo rag ah oo ay Sheegtay inay ahaayeen basaasiin ku toogtay shalay gellinkii dambe deegaanka Buulo-fulaay oo ka tirsan gobllka Bay.

Toogashadaan, ayaa ridday Maxkamad Al-shabaab ay leedahay, iyadoo Toogashadooda ay goobjoog ka ahaayeen dadweyne badan oo ka mid ah dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab.

Garsooraha Maxkamadda Al-shabaab, ayaa sheegay in raggan la Toogtay ay si Gaar ah ula shaqeynayeen Sirdoonka Wadanka Mareykanka, ayna kala shaqeeyeen duqeymo lagu dilay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab, oo uu ka mid ahaa - Hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab, Sh. Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr (Axmed Cabdi Godane) oo ahaa iyo Saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen; C/shakuur Tahaliil iyo Yuusuf Dheeg.

Afarta Ruux ee la Toogtay ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin; Muxamed Aadan Nuur Xasan oo 26-jir ahaa, kaasoo la Gowracay, Waxaana goobta dilku ka dhacay laga sheegay in uu mas’uul ka ahaa dilkii Hoggaamiyihii Hore ee Al-shabaab, Sheekh Abuu Zubeyr.

Waxaa kaloo ragga la toogtay ka mid ah; Muxyadiin Hiraab Axmed oo 27-jir ahaa, Xuseen Nuunoow Nageey oo 36-jir ahaa iyo Xasan Diiriye Cusmaan oo isna 42-jir ahaa. Waxaana ay ka mid noqonayaa dad badan oo ay Al-shabaab horay u dishay.

Ugu dambeyntii, Al-shabaab ayaa horay dhawr jeer sidaan oo kale Dilal ugu fulisay dad ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Jawaasiis la shaqeeya waddamada reer galbeedka, Waddanka Itoobiya iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya