4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 10, 2016
SAWIRO: Aaska Feeryahankii Weynaa Maxamed Cali Kalaay oo ka Socota Magaalada Louisville


Jimco, Juun 10, 2016 (HOL) — Munaasabad lagu Sagootinayo Feer-yahankii Caanka ahaa ee Adduunka, Maxamed Cali Kallaay oo Toddobaadkii Hore Geeriyooday, ayaa Waxay ka socotaa haatan magaaladii uu ku dhashay ee Louisville ee Gobolka Kentucky, Waxaana ka qayb-galaya kumannaan qof oo shacab iyo mas’uuliyiin isugu jira.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la aaso, wuxuuna ahaa 74-jir, muslim ah, isagoo u geeriyooday xanuun ka haleelay Sambabbada, taasoo ku keentay in uu awoodi waayo inuu neefsado.

Sidoo kale, Naxashka Cayaaryahankaan oo Saddexda jeer ku Guuleystay Horyaalka Feerka Miisaanka culus ee Dunida, ayaa Magaaladii uu ku dhashay la Marinayaa, waxaana gaariga Maydkiisa lagu wado daboolay ubaxyo ay ku Tuurayeen shacabka safan Hareeraha Jidadka Waaweyn ee Magaalada Louisville.

Baabuur tirdaoodu tahay 17 oo ah nooca Limon-siiga ah, oo qayb ka ah sagootinta maydka marxuumka ayaa maraya qaybaha kala duwan ee magaaladaas oo ay ka mid yihiin; Guriga Feeryahanka iyo Xarunta Hiddaha iyo dhaqanka Afrikaanka Mareykanka ah.

Dhanka kale, Socodkaan - ayaa ku dhammaan doono Halka lagu Aasayo Marxuumka oo ah Meel Gaar ah. Kaddibna Waxaa Garoon Kubbada Cagta lagu qaban doonaa Tacsi Guud oo ay ka qayb-galayaan dad diimmo kala duwan aamisan, waxaana goobta lagu akhrin doonaa Qur’aanka Kariimka ah.

Jilaaga weyn ee Will Smith iyo Feeryahanada kala ah, Mike Tyson iyo Lennox Lewsi ayaa sida Naxashka Maydka EEBBE ha u Naxariistee, Maxamed Cali Kalaay, taasoo qayb ka ah sida ay u xusuusaayaan Marxuumka oo ay saaxiibbo ahaayeen.

Ugu dambeyntii, Marxuumka ayaa lagu wadaa in xilliyada soo socda la dhigo Iilka, iyadoo Aaskiisa uusan kasoo Qayb-gelin Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo markii la Sheegay inuu ka qayb-galayo Aaska Feeryahankii Adduunka oo dhan Caanka ka Noqday.

 Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya