4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2016
Jimcihii 1aad ee Bisha Ramaadan iyo Waxyaabihii la Isfaray Khudbadii Maanta


Jimce, Juun 10, 2016 (HOL)-Waxaa hubaal ah inaan la isku heyn in maanta ay ahayd jimcihii 1aad ee bisha soon qaad ama Ramadaan qof waliba sida uu u yaqaano.

Maanta ayaa waxaa khudbooyinka masaajida ee salaadii jimcaha ka hor waa magaalada Nairobi la is faray in laga fogaado waxyaabaha soonka jebiya sida cunida, cabidda iwm oo soonka jebiya.

Sidoo kale ayaa waxaa mashaaikhdii u dardaarmeen dadka in lagu dadaalo cibaadada ayadoo Alle bishaan uu adoomadiisa Muslimiinta ah ka xarrimay waxyaabihii xalaasha u ahaa qaarkood maalintii oo dhan taasoo khadhiibyadii aqriyay khudbooyinka ay sheegeen in ay daliil u tahay layli Alle la doonaayo inay maraan si hadhoow waxyaabaha Alle xarrimay xataa ay uga leexdaan.

Bisha Ramadaan ayaa ah bisha sagaalaad ee kalendarka Muslimiinta waana bil lagu xusay Qur'aanka Kariimka ah oo Alle uu adoomadiisa ku amray inay soomaan si ay taqwo u helaan.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]