4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 10, 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo Booqday Xarunta Safaaradii Hore ee Soomaaliya ee Nairobi Kenya

Jimce, Juun 10, 2016 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii shalay ahayd kormeer ku tagay xarunta safaaraddii hore ee ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kenya oo dayactir lagu wado.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo ku xigeenkiisa ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay madaxweynaha, R/wasare ku xigeenka xukuumadda, wasiirka arrimaha dibadda, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo masuuliyiin kale.

Dhismaha safaaradda waxaa lagu wadaa dayactir, ayadoo bilaha soo socda la qorshaynayo in dib loo howl galiyo xaruntaan oo ah mid aad u ballaaran.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhammaan qeybaha safaaradda iyo qunsuliyadda oo ku dhex taalla.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u howl gelinta safaaraddan ay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya iyo dowladda Soomaaliyaba ay ku bixiyeen waqti badan.

Sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dacwaddii dib loogu soo celiyay.

“Dhammaan dadkii iyo sharci-yaqaannadii ka qeyb qaatay dacwadda dib loogu soo celiyay safaaraddan waan u mahad celinayaa.Safaaraddani waa hanti Soomaaliyeed; dhammaan hantida Soomaaliyeed ee maqan dib ayaa loo soo celinayaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in safaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu ballaaran dalka Kenya dhawaan dib loo howl gelin doono.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ku guuleystay in dib loo soo celiyo xaruntii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo nin ganacsade ah si khaldan markii hore looga iibiyay.

Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa Soomaaliya u xukuntay xaruntaan sanado ka hor.