4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
SAWIRRO: Xildhibaanno ku Dhintay Weerarkii Hoteel Ambassador iyo Khasaaraha oo Kordhay


Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Tirada dadkii ku Geeriyooday weerarkii ay sheegatay Al-shabaab ee Gellinkii Dambe ee maanta oo Arbaco ah lala beegsaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho, iyadoo gaartay 15-qof, waxaana ka mid ahaa laba xildhibaan oo baarlamanka Federaalka Soomaaliya ka tirsanaa.

Xildhibaannada ku Geeriyooday Weerarkan ayaa waxay kala yihiin; Maxamed Maxamuud Guure iyo C/llaahi Jaamac oo isku meel lagu dilay, Waxaana sidoo kale dadka geeriyooday ka mid ah saddex ka tirsanaa ilaaladii Hoteelka.

Sidoo kale, Dhaawacyada ayaa kor u dhaafaya 50-qof, kuwaas oo intooda badan la geeyay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho iyadoo agaasimaha Isbitaal Madiina Dr. Maxamed Yuusuf uu sheegay in Dhaawacyo badan lasoo Gaarsiiyay, ayna Qaarkood ku sameeyeen Qalliinno kala duwan.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana weli Gudaha Hoteelka ku jira Xoogag ka tirsan Al-shabaab, Inkastoo ay kula jiraan Ciidammo Dowladda Somalia ka tirsan, kuwaasoo la dagaalamaya kooxaha hubeysan.

DAAWO: SAWIRRADA WEERARKII HOTEL AMBASSADOR EE MUQDISHO;

Afhayeenka Hawlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa Wuxuu isagana Warbaahinta u Sheegay in Xoogaggooda ay Weli ku jiraan Gudaha Hoteel Ambassador oo ay ka dagalaamayaan, isagoo sheegay in ay tiro badan oo ka tirsan Xubnaha DF Somalia ay ku dileen weerarkaas.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyadana cambaareysay Weerarkan oo isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah, waxayna ku Tilmaantay Weerarro Argagaxiso oo lagu waxyeelleeyay dad aan waxba galabsan.

“Waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka Somalia oo u gurmaday Hoteelka waxayna ciidanku weli wadaan Dadaallo xooggan oo lagu Badbaadinayo Dhammaan Dadkii Soomaaliyeed ee  ku jiray Hoteelka,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta DF, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli Maanta ay DF Soomaaliya sheegtay inay hawlgal ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Maxamed Maxamuud Dul-yadeeyn oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha sare ee Al-shabaab.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya