4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
DAAWO: Wasiiro ka Tirsan Xukuumada Somalia oo Maanta Gaaray Magaalada Beledweyne
Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka XF Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] iyo Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed iyo Xubno ka Tirsan Dowladda Soomaaliyaayaa maanta gaaray magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xubnaha wafdiga ka socday xukuumada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol & degmo saraakiisha ciidanka iyo xubno ka socda qeybaha bulshada.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa oo hadlay ayaa ku sheegay ujeedada socdaalkooda bal in ay u guur-galaan xaalada dadkii ku barkaacy fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne, iyo siddii dadkaas loo gargaari lahaa, iyagoo ku soo wareegay deegaanka Ceel-jaale oo tirada dadka ugu badan ay ku barakaceen.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in ay qiimeyn ku sameyn doonaan wabiga iyo meellaha inta badan uu ka fataho, madaama ay soo noq noqtay inta badan fatahaadda uu Webiga ka sameeyo magaalada.

Ugu dambeyntii, Waa markii u horeysay oo ay labadan wasiir soo gaaraan magaalada tan iyo Markii ay daadadka kasoo rogmaday webiga iyo togaga biyahu maraan ay Maasheeyeen Guud ahaanba xaafaddaha Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyne, Soomaaliya