FAAHFAAHIN: Khasaarihii ka dhashay Weerar Al-shabaab ay ku qaaday Hoteelka Ambassador
Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Ugu yaraan 10-ruux,
ayaa ku Geeriyooday Weeraro isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ahaa oo lala
beegsaday gellinkii dambe lala beegsaday Hotel Ambassador ee Muqdisho, iyadoo Mas’uuliyada Weerarradan ay sheegatay Al-shabaab.
Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegayaa
inay weli gudaha ugu jiraan qaybo ka tirsan Hoteelka, iyadoo sidoo kalena ay
hoteelka gudihiisa ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia.
Col. Cali
Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Booliiska Somalia, ayaa u
sheegay Reuters in hoteelka lagu weeraray Qarax, markaas kaddibna ay kooxaha
hubysan gudaha u galeen, welina ku jiraan.
“Waxaa weli Gudaha Hoteelka ku jira xoogag ka
tirsan Al-shabaab, iyadoo weerarka ay ku geeriyooday 10-qof tiro kalena way ku
dhaawacmeen,” ayuu yiri Col. Cali, isagoo intaas ku daray inay tirada dhimashadu
intaas ka badan karto.
Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia ayaa la
sheegayaa inay badbaadiyeen tiro ka mid ah mas’uuliyiin Hoteelka degenaa, Waxaana
ku jiray Dadki la badbaadiyay Maxamed Xaaji Daa’uud oo ah wiil uu dhalay
Milkiilaha Hoteel Ambassador iska leh.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay Toogasho ku dileen laba ka mid ahaa kooxihii Gudaha u galay Hoteelka, ayna
kooxaha hubeysan ku sugan yihiin qaybaha sare ee Hoteelka, ciidamaduna ay ku
sugan yihiin qaybaha sare.
Dhanka kale, Afhayeenka Hawlgallada Al-shababa ayaa
isna sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin weerarka Hoteel Ambassador, ayna ku Dileen tiro ka
mid ah ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Inkastoo aysan
sheegin tiro sugan.
“Xoogaggeenna ayaa weeraray
Hotel Ambassador, gudaha ayayna ku jiraan, waxaana socda hawlgal,” ayuu yiri
Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo intaas ku daray in Hawlgalkan uu qayb ka yahay Hawl-gallada
ay ka fuliyaan Muqdisho.
Ugu dambeyntii, waa markii ugu Horreysay oo
Al-shabaab ay weerar noocan oo kale ah la beegsato Hoteel Ambassador oo ku
yaalla Waddada Maka Al-Mukarama oo ah Midda ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan
Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya