4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
Jeneral Subagle oo Noqonaya Taliyaha Guud ee Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM


Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Sida laga soo Xigtay Wakaalada Wararka Dalka Jabuuti, Jen. Cismaan Nuur Subagle ayaa lagu wadaa in Dhawaan la Wareego Taliska Ciidammada Hawl-galka Midowga Afrika AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Taliyaha cusub ayaa u dhashay dalka dalka Jabuuti waxaana sida Wakaaladu sheegtay lagu wadaa inuu Hoggaamiyo 22,000 ee Askari ee Hawl-galka AMISOM .

Xilkan cusub ee loo magacaabay Jen Subagle, ayaa waxaa horay u hayay Jeneraal Kenyaan ah oo shaqada soo bilaabay Dhammaadkii bishii December ee Sannadkii 2015-kii.

Sida ay wakaalada wararka ee Jabuuti qortay waxay Magacaabista Taliyahaan cusub kusoo beegmeysaa xilli  dagaallo culus lagula jiro Al-shabaab si looga saaro deegaannada ay wali ku hrsan yihiin iyo in ciidamada dowlada lagu taageero howlgaalkaasi.

Taliyaha Cusub ee loo magacaabay ayaa Sanadihii 2012-kii - 2013-kii, wuxuu ahaa Abaan-duulaha Ciidanka AMISOM ee Somalia ka sugan, Wuxuuna  si joogta uga qeyb gala shirka ay yeelanayaan gudiga wada jirka ah  ee looga hadlayo arrimaha mileteriga ee  hoggaanada dalalka ciidamadooda ka joogaan Somaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya