4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
SAWIRRO: Hormuud Foundation oo u Qaybisay lacag kaash ah Boqollaal Naafo Soomaaliyeed ah


Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Shirkadda Hormuud Qaybteeda Gargaarka, ayaa Maanta Deeq lacageed oo gaareysa 50,000 oo Doollar u Qaybisay Indhoolayaal iyo Dad Naafo ah oo ku dhaqan Muqdisho, Waxaana mid Walba oo ka mid ah la Guddoonsiiyay 100-doollar oo kaash ah.

Kulanka ayaa ahaa mid lagu soo bandhigayay barnaamijyo taxane ah oo Hay’ada Hormuud Foundation ay waddo, kuwaasoo lagu gargaarayo dadka dhibaateysan ee ku nool Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Mas’uuliyiinta Hormuud Foundation, ayaa sheegay in barnaamijkoodaan uu qayb ka yahay barnaamijyada ay ugu talo-galeen inay bulshada jilisan ku caawiyaan dadka naafada ah iyo kale ee aan waxba haysan.

Sidoo kale, Naafada ka faa’iideystay deeqda Hormuud Foundation, ayaa waxay tiro ahaan gaarayeen 400-ruux oo isugu jiray naafo iyo indhoolayaal, kuwaas oo isugu jiray Dad waa-weyn iyo Carruur.

Guddoomiyihii Hore ee Hay'adda Hormuud Foundation, C/llaahi Nuur Cismaan oo Goobta ka Hadlay, ayaa ugu baaqay Dadka Alle wax siiyay meel kasta oo ay Dunida ka joogaan in ay Walaalahooda aan waxba heli karin ku caawiyaan wax ay ku afuraan inta lagu jiro bisha Ramadaan ee soo socota.

“Barnaamijkaan, Wuxuu Hordhac u yahay Barnaamijyo Taxane ahaan doono inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, kuwaasoo lagu caawinayo dadka aan waxba haysan,” ayuu hadalkiisa raaciyay C/llaahi Nuur.

Waxaa isna goobtaas ka hadlay, Cabbaas Ismaaciil Caddoow oo ah Guddoomiyaha urur ay naafada Soomaaliyeed ku mideysan yihiin oo ku hadlay magaca naafada deeqdan lacageed la guddoonsiisay maanta, Wuxuuna Hormuud Foundation uga mahad-celiyay Kaalmada ay siisay Dadka Naafada ah.

Dhanka kale, Cabbaas ayaa xusay in shirkadda Hormuud ay tahay shirkaddii ugu horreysay oo u is-taagtay inay kaalmeyso Dadka jilicsan, isagoo sheegtay inay shirkadu mudnaanta 1-aad siiso Dadka Naafada ah iyo kuwa kale ee jilicsan.

Guddoomiyaha Hay'ada Hormuud Foundation, Muuse Axmed Nuur oo isna munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegey in ay Shirkaddu kaalin weyn ka qaadan doonto inta lagu Gudo-jiro Bisha Ramadaanka Afurinta dadka jilicsan iyo kuwa naafada ah.

Ugu dambeyn, Wuxuu Xusay in Barnaamijkan uu qayb ka yahay barnaamijyo ay Hay’adda Hormuud Foundation ku caawinayso shacabka dhibaateysan ee Soomaaliyeed inta lagu jiro bisha Ramadaan oo maalmo ay naga xigaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya