4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
Kooxo hubeeysan oo qof rayid ah ku dilay magaalada Kismaayo
Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Kooxo hubeeysan ayaa bartamaha magaalada Kismaayo ku dilay C/laahi Sheekh Max'ed Max'uud (Dalab) oo ahaa abwaan siweyn uga soo horjeeday fikirka Al-shabaab, masaajidda magaalada Kismaayo iyo goobaha ay bulshada isugu timaadana ka jeedin jiray qudbado uu bulshada uga wacyigelinayo taageerada Al-shabaab.

C/laahi Dalab ayay maanta kooxo hubeeysan ku toogteen agagaarka isgoyska Soomaali Star ee xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo, waxaana ay israsaaseyn halkaasi ku dhexmartay kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamo ka agdhawaa goobta uu dilku ka dhacay.

C/laahi Dalab oo mar ka tirsanaan jiray Al-shabaab ayaa magaalada Kismaayo ka waday olole uu bulshada uga wacyigelinayo taageeridda Al-shabaab, isagoo siweyn u weerari jiray xukunnada ay Al-shabaab ku rido dadka kasoo horjeeda.

Axmed Max'uud Axmed Afhayeenka nabadsugidda Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen afar nin oo mid kamid ah uu ku dhaawacmay howlgalka, kuwaa oo uu sheegay in ay yihiin kooxihii dilka geeystay.

Masuulkan ayaa ku eedeeyay weerarka in ay ka danbeeyso kooxda Al-shabaab, isagoo xusay in kooxaha dilka geystay ay u suurogeliweysay in ay baxsadaan gacantana lagu dhigay.

Ciidamada ammaanka degmada Kismaayo ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyay xaafadaha ku dhow halka uu weerarku ka dhacay, waxaana howlgalladaasi lagu qabqabtay dad badan.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli saraakiisha amniga Jubaland ay maanta soo bandhigeen meydadka dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo lagu dilay howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen duleedka Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.