4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
AMISOM oo Muqdisho ka Furtay Xero Cusub oo lagu Tababarayo Ciidamada Somalia (SAWIRRO)


Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], ayaa shalay Magaalada Muqdisho ka furay xero cusub oo lagu Tababari doono Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Millat

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira oo Xarigga ka jaray xeradaas, ayaa ka sheegay furitaankii xeradaas in loo isitmcaali doono sidii tababar loogu siin lahaa ciidamada Somalia, laguna bari doono habka magaalooyinka loogu dagaalamo.

Xeradaan, oo Dhismaheedu soo billowday Bishii December ee Sannadkii hore, Waxay ka kooban tahay Dhismayaal Magaalooyin loo ekeysiiyay, kuwaasoo loogu talo-galay inay ku bartaan ciidamadu habka loogu dagaallamo magaalooyinka.

Sidoo kale, Ku-simaha Taliyaha Ciidamada AMISOM, Jenenraal Mohammedesha Zeyinu oo sharraxay ujeeddada loo dhisay xeradaan, ayaa sheegay inay tahay mid loogu talo-galay inay ciidamadu ku qaataan tabaarro gaar ah.

“Waa mid muhiim ah in Xeradaan oo kale ay Ciidamada Soomaaliya tababar ku qaataan, si Ciidamada looga dhiso Jir ahaan iyo Maskax ahaan, isla markaana ay u Awoodaan in ay ku dhex-dagaallami karaan Magaalooyinka,” ayuu yiri Jen. Zeyinu.

Furitaankii Xeradaan, ayaa waxaa Goob-joogayaal ka ahaa - saraakiil ka socday AMISOM, Qaybta Tababbarada Ururka Midowga Yurub iyo Saraakiil Sare oo Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya ka socday.

Danjire Madeira, ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay xeradan tababar ee uu weli ku socdo qaybo ka mid ah dhismayaal lagu casriyeynayo. Wuxuuna intaas ku daray in Tababaridda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya loo xil-saaray AMISOM, taas oo qayb ka ah sidii loogu diyaarin lahaa inay Amniga dalkooda la wareegaan markii ay Ciidamada AMISOM ka baxaan Somalia.

“Haddii  aanay tababarro wanaagsan helin ciidamada iyo Saraakiisha Soomaaliya, aad ayay noogu adkaanaysaa inaan dalka ka tagno; iyadoo Ciidamadu aysan hanan karin Ammaanka guud ee Dalkooda. Sidaas Awgeed waxaanu doonaynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan u siinno tababarro wanaagsan Ciidanka Qaranka Somalia, muddadaasna waanu sii wadaynaa hawsheenna,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Dhanka kale, Taliyaha xerada Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka ee Jasiira, Jen. C/llaahi Cali Caanood - ayaa uga Mahad-celiyay Ururka Midowga Yurub iyo AMISOM Hir-gelinta Xeradaan lagu tababari doono Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay weerarro ka geystaa qaybo magaalooyinka dalka ka mid ah, iyadoo Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ay sheegeen inay la dagalaami doonaan Al-shabaab illaa inta ay ka joojinayaan Weerarradooda ku-dhufo oo ka dhaqaaqa ah ee ay magaalooyinka ka fuliyaan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya