4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
HAY'ADDA NISA: Waxaan Toogasho ku Dilnay Madaxii Ciidamada Amniyaadka Al-shabaab


Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) — Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Somalia [NISA], ayaa sheegtay inay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ku dileen howlgal gaar ahaa oo ay ka ka fuliyeen deegaanka Kuunya-Barroow oo ku yaalla Xadka Gobollada Shabeellada Hoose iyo Jubadda Dhexe.

Warbaahinta DF Soomaaliya ayaa baahisay in hawl-galka ay fuliyeen ciidamada Sirdoonka Somalia oo kaashanaya Ciidammo Ajaanib ah oo aan la sheegin dalka ay ka socdeen. Balse warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada Hawl-galka qaybta ka ah ay ahaayeen Mareykan.

Sidoo kale, Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Daa’uud oo loo yaqiinnay - Suheyb, kaasoo Madax ka ahaa Qaybaha Amniyaadka Xarakada Al-shabaab oo Qaybo ka mid ah Somalia ka talisa.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan Sarkaalka ay sheegeen Sirdoonka Somalia in ay ku dileen hawl-gal gaar ah oo Koonfurta Somalia laga fuliyay oo kasoo baxay Xarakada Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Hay’adda Sirdoonka Somalia ayaa dhawaanahan sheegaysay inay ka fulisay Qaybo ka mid ah Somalia Hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab, iyagoo Xusay inay ku dileen hawl-galladaas saraakiil iyo ciidammo ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya