Hiiraan Online
4/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 1 , 2016
Wasiirka Amniga Jubbaland: Waxaan Hawl-gal Qorsheysan ku dilnay Shiikh Max'ed Dul-yadeyn
Arbaco, Juun 01, 2016 (HOL) —Wasiirka Amniga Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa shaaciyay in howlgallo ay Ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Buulogaduud ay ku dileen, Sheekh Maxamed Maxamuud Dul-yadeyn oo ka tirsanaa Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab.
Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay goob ay kusoo bandhigeen 4 qof oo meyd ah oo mid kamid ah uu sheegay in uu yahay Sheekh Max'ed Max'uud Dulyadayn oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay howlgalka ku dileen nin lagu magacaabo Farxaan iyo Macallim Isxaaq oo uu sheegay in Al-shabaab ay u qaabilsanaan jireen qaraxyada.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan arintani.
Deegaanka Buulogaduud ayaa qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, waxuuna kamid ahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.
Halkan ka daawo muuqaalka Wasiirka Amniga Jubaland.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya